U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Maanta La Horgeynayo Miisaaniyadda Dowladda Ee 2019

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay ku kulmaan xaruntooda magaalada Muqdisho, kadib markii aanay wax kulan ah yeelan ku dhowaad Hal bil.

Kulanka maanta oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa xildhibaannada lagu horgeyn doonaa miisaaniyadda 2019 oo la doonayo iney ka doodaan.

Murankii ka dhashay kala diristii guddiga miisaaniyadda ayaa sabab u noqday in shaqadii baarlamaanka ay maalmo badan hakad gasho.

Dib u habeyn ayaa hadda lagu sameeyey guddigan, waxaana sidoo kale guddoon cusub doortay xubnaha guddigan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News