U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Magacaabaya Guddiga Doorashada Ee Guddoomiyahooda

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Sabtidan maanta ah yeelan doona kulankooda Saddexaad ee Kalfadhigga Seddaxaad, iyadoo arrimo dhowr ah looga hadli doono.

Sida qorshaha uu yahay, waxay xildhibaannada maanta ay magacaabayaan guddiga doorashada ee guddoomiyaha golaha shacabka.

Guddigan ayaa ka shaqeyn doona qabanqaabada iyo diyaarinta doorashada oo dhici doonta dhammaadka bishan, maadaama xeer hoosaadka golaha shacabku uu qabo in guddoomiye markii uu xilka ka dego kan cusub lagu soo magacaabo 15 cisho gudahood.

Guddoomiyahii hore ee golaha shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa xilkan ka degay 9 April, 2018.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News