U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Magacaabey Guddi La Socodka Arrimaha Xajka

Sheeko:Baarlamaanka

War saxaafadeed ka soo Baxay Guddiga Garsoorka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka JFS ayaa lagu Magacaabay Guddi kor-joogteyn doona habsami-u -socodka Arrimaha Xajka iyo adeegyada Xujeyda.

Ka dib kullan,Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxay ku magacaabeen Guddi ka shaqeynaya fududeynta adeegyada Xajka ee Xujeyda Soomaaliyeed ay u baahan yihiin.

Guddiga Garsoorka,Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka ayaa Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ku wargelisay dardar gelinta habsame u socodka arrimaha Xajka si looga baaqdsado dib u dhac ku yimaada arrimaha Xujeyda maadama waqtiga ciriiri uu yahay.

Ugu danbeyntii,Guddiga Garsoorka,Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka ayaa uga mahad celisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya dadaalka ay ku bixisay suurta gelinta arrimaha Xajka ee sanadkaan.