U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Meel Mariyay 7 Hindise Sharciyeed

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku yeeshay kulan ayaa waxa ay meel mariyeen hindise sharciyeedyo kala duwan oo gaaraya ilaa iyo 7 hindise sharciyeed.

Hindise sharciyeedyada ay meel mariyeen mudanayaasha aqalka hoose ayaa waxa ay kala yihiin hindise sharciyeedka doorashooyinka qaranka ee heer federal, hindise sharciyeedka duulista rayidka, hindise sharciyeedka jaan-goynta iyo tayo dhowrka dalka, hindise sharciyeedka tirakoobka qaranka, hindise sharciyeedka xeerka warbaahinta, hindise sharciyeedka howlgabka iyo xaqsiinta ciidamada, hindise sharciyeedka dib u eegista iyo kaabista sharciga xisbiyada siyaasada dalka.

Halkan ka akhriso:

Hindise sharciyeedyadan ayaa waxa ay sharci rasmi ah noqon doonaan marka uu saxiixo madaxweynaha Soomaaliya

Goobjoog News