U bood dhigaalka

Golaha Shacabka oo Sii Wada Akhrinta Sharciga Doorashada.

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulmay kulankoodii 21-aad kala fadhigii 6-aad waxaana shir guddoominaayey guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh sheekh Cabdiraxmaan.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa akhrinta 2aad ee sharciga doorashooyinka oo asbuucaan dood kulul uu ka lahaa guluhu, soona maray akhrintiisa 1aad, ka hor inta aysan bilaaban dooda golaha ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday weerarkii xalay lagu qaaday Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo hor hadlay golaha ayaa sheegay in aysan suurtogal aheyn in mar kale dalka lagu celiyo doorashooyinkii dadbanaa ee dalka uu soo maray waxaana uu yiri” Ma’dooneyno inaan u laabano doorashii dadbaneyd ee hadda aan soo marnay doorasho ayaa la gaarayaa sharci ayaan soo saareynaa, waa qof iyo cod, in ay soo qiimeeyaan cidda go’aan ka gaareysa Madaxweynaha maahan, Ra’isul wasaaraha maahan ee waa golaha Baarlamaanka”.

Sidoo kale Xildhibaan Xasan Yare oo dhankiisa ka hor hadlay golaha ayaa xusay inaan la aqbali karin muddo korarsi loo sameeyo Madaxda xilka keysa loona baahan yahay in guddiga madaxabannaan uu cadeeyo nuuca doorasho ee ka dhici karta dalka waxaana hadalkiisii ka mid ahaa” Bisha March guddiga madaxabannaan waa in ay golaha soo hor istaagaan oo ay cadeeyaan 2021-ka doorashada dalkaan ka dhici karta iyo in aysan dhici karin, wixii intaas ka badan oo farsamada xageedaa ama qarashaadkii oo la waayo ama dhib dhaco inaan intaas ka badan aanan aqbalin oo jaanis loo siin oo aan niyadda marna la gashanin wax la yiraahdo muddo dheereysi”

Dhanka kale xildhibaan Cali Yuusuf Cismaan (Cali Ganeey) oo ka hor hadlay golaha ayaa carabka kuftay in fatahada wabiga Shabeelle uu ka sameeyey gobalka Shabeellaha hoose gaar ahaan degmada Afgooye walina aan loo gurman waxaana uu yiri ” Waxaa la ii soo sawiray oo aan idin tusi karaa guri ay biyuhu galeen dadkii iska lahaa ay ka guureen Malayna uu ka dhashay, wasaaradda gargaarka markii wabiga uu biyaha fatahay waan u sheegnay wasiirkana waxaa uu dhahay 3000 oo tan ayaa koogu talo galay Afgooye oo dowladda Sucuudiga ay keentay waana geyneynaa.”

Ugu dabeyn xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed ( Gama’diid) ayaa sheegay in gurmadkii laga sameeye Balaweyne lacagihii dowladda federaalka ah ay balanqaaday aysan gaarin 1doller oo ka mid, waxaana uu xusay in Baladwene ay ugurmadeen shacabka Soomaaliyeed” Waxaan ognahay in halkaan laga sheegay ama xukuumadda ay ku dhawaaqday guddi 9 wasiir ka koobanaa isla markaana loogu yaboohay lacag 500’000 iyo ka badan aheyd waxaan rabaa inaa inaan cadeeyo 100$ oo dowladda federaalka ah ka timid inaysan Baladweyne gaarin, Magaalada Baladweyne waxaa u gurmaday shacabka Soomaaliyeed meel kasta uu joogo bulshada iyo maamulada kale ayaa u istaagay iyo ganacsatada Soomaaliyeed”.

Goobjoog News