U bood dhigaalka

Golaha Shacabka oo u Codeeyey Xeer hoosaadka Golaha Shacabka oo dib u eegis lagu sameeyay

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ugu codeeyay xeer hoosaadka Golaha Shacabka oo dib u eegis lagu sameeyay.

170 xildhibaan ayaa ogolaatay, waxaana diiday 1 xildhibaan, mana jirin wax ka aamusay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal oo kulanka shir guddoominaya ayaa sheegay in dhamaan xildhibaanada qaranka ay cod wada ogol ah ku ansixiyeen xeer hoosaadka oo dib u eegis balaaran lagu sameeyay.

Dhinaca kale Waxaa xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ka socda kulanka 32-aad ee golaha shacabka.

Ajendaha kulanka ayaa waxaa qeyb ka ah Aqrinta saddexaad sharciga howlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha ciidamada qalabka sida iyo sidoo kale  U codeynta qoondaha miisaaniyadda dowladda 2019.

Goobjoog News