U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Wasaaradda Maaliyadda Ku Canaantay Fulin La’aanta Qaraarada, Akhriso Warbixinta

Sheeko:Baarlamaanka

Warbixintan ay soo gudbiyeen guddiga miisaaniayadda, maaliyadda, qorsheynta iyo la-xisaabtanka hey’adaha dowladda ee golaha shacabka, waxaa ay sheegeen in ay ku qaadatay 2 todobaad.

Guddiga waxaa uu sheegay in miisaaniyadda 2018-ka ee tiro ahaan dhan: $274,6 Malyan ay ku kooban tahay kharashaadka adeegga maamulka iyo difaaca taas oo loo qoondeeyay miisaaniyadda joogtada ah qaddar dhan: $260.2 Malyuun oo u dhiganta 94.8% halka hadhaaga oo dhan $14.4 Miyan loogu talo-galay mashaariicda horumarineed taas oo u dhiganta 5.2% Miisaaniyadda 2018-ka.

Dakhliga Miisaaniyadda: Dakhliga miisaaniyadda waxaa uu ka kooban yahay canshuuraha iyo khidmadaha kala duwan ee sharcigu jideeyay, kaalmooyinka ama deeqaha iyo deymaha qaranka ka soo deynsado gudaha iyo dibadda.

Guddiga markii uu eegay sadaasha dakhliga gudaha ee miisaaniyadda 2018 oo ah $156 Malyan, waxaa u muuqatay isbedel kororsiimo maraka loo eego saadaashii ku noqoshada miisaaniyadda 2017 kaas oo ahaa $137 Malyan.

Marka la eego saadaasha deeqaha labada dhinac ee miisaaniyadda 2018 oo ah $62.4(Turky $20 Malyan, Qatar $10 Malyan iyo Sacuudiga oo $32 Malyan), waxaa ka muuqdo koror marka loo eego 2017 oo ahaa $38 Malyan.

Odoroska Deeqaha dhinacyada badan ee miisaaniyadda 2018 oo ah $56 Malyan, waxaa ka muuqda hoos u dhac oo miisaaniyadda 2017 waxaa ay aheyd $84 Malyan.

Saadaasha  Dakhliga  gudaha ee dalka guud ahaan waa $156 Malyan oo u dhiganta 57%  halka ay saadaasha  dakhliga  dibaddu   tahay  $118.6   Malyan   oo u dhiganta  43%  haddaba  taasi waxaa  ay muujinaysaa  in aan la xaqiijin  karin  hal kudhigga  Miisaaniyadda  2018  oo ah “ku tiirsanaanta dhaqaalaheena”   maactaama  ku  talagalka  deeqaha  dibadda  ee Miisaaniyadda   2018  ay  aad  u sareeyso.

Guud ahaan dakhliga  soo xarooday  10 bil ee ugu horaysay  sanadkaan  (Jan. -Oct.  2017) waxaa uu  gaarayaa   $182.9Malyan      oo  lamid   ah   bishiiba   celcelis    ahaan   $18.29    Malyan   taas  uu muujinaysa  in sanadkaan  guud ahaan saadaasha  dakhligu  noqonayo  ku dhawaaad  $220 Malyan maadaama 2 biI oo kaliya ka hartay sanadka   sidaasi  dardeed waxaa ay u muuqataa in aan la gaari kari doonin saadaashi dakhliga ee ku noqoshada   rniisaanyadda   2017 oo ahayd $260 Malyan

Guddigu  waxaa  uu  soo  jeedinayaa   in  Wasaaradda  Maaliyaddu   dardar  geliso  howlaha  dakhli ururinta  maadaama  saadaasha   dakhli  ururinta  meelaha  qaar  ay ka  muuqato  hoos  u dhac  aan sababeysnayn  sida isgaarsiinta  oo sandihi  hore gaari jirtay 4.8 Malyan  hadana lasoo  qoondeeyay 3.5  malyan iyada  oo la filayay koror  maadaama  1a meel  mariyay  sharcigii  isgaarsiinta,  guddigu waxa uu clalbaday  in  lagu sameeyo  dib u eegis dhab ah.

Kharashka Miisaaniyadda:

Kadib  markii  guddigu  uu falanqeeyay  kana baaraan  dagay habka qoondaynta  kharashaadka  waxaa usoo baxday sidan:

In kharashaadka Miisaaniyadda   aan  loo  qorshaynin    si   isku  dheelitiran,    iyada   oo  hay’adaha qaarloo  qoondeeyay  lacago  badan halka  kuwa u  xilsaaran   howlo  muhiim  ahna loo  qoondeeyay wax aad uga yar baahdidooda  dhabta ah sida  hay’adaha  Amniga   iyo Garsoorka.

Waxaa kale  oo guddiga  usoo ifbaxay  in  aan habka  kharash bixinta  loogu dhaqmin si  waafaqsan Mudnaanta  kala horumarinta    kharash  bixinta sida  ku cad xeerka qoondada  Miisaaniyadda   2017 ee Golaha   Shacabku  meelmariyay.

Miisaaniyadda  2018,    waxaa kujira kharashaad   duuduub ah  oo aan lasoo  faahfaahin   oo ka badan $34 Malyan  taas oo ka hor imaanaya qaraarkii Golaha Shacabka ee lagu ansixiyay  ku noqoshadii Miisaaniyadii   2017  sidaas  darteed  guddigu   waxaa  uu  ka  dalbaday  Wasaaradda   in   dhamaan lacagahaas  lasoo faahfaahiyo  lana soo budget gareeyo.

Talo-soo jeedinta Guddiga:

Dhammaan  soo jeedimaha   soo  socda  waxaa  ay  noqonayaan  qaraar  marka  Golaha  Shacabku  ansixiyo waxaana  la farayaa  wasaaradda  Maaliyadda   in  ay u fuliso  si goluhu  u ansixiyay  waxayna  kala yihiin sidatan:

Guddigu  waxa uu Golaha  ku wargelinayaa  in aan la fulin inta badan qaraarkii  Golahu  Shacabku ku ansixiyay   ku noqoshadii  miisaaniyaadda  2017  sidaas darteed si loo kobciyo dhaqaalaha  dalka loona   ilaaliyo    hufnaanta    maaliyadda,   guddigu   wuxuu   aad   ugu   adkaynayaa    Wasaaradda dhaqangelinta   qaraarada  Golaha  Shacabaka  ee  ku  wajahnaa  hagaajinta  hawlaha  dakhliga  iyo maarnulka kharashaadka  dowladda.

Guddiga   waxaa   usoo   baxday   in  Wasaaraddu   isticmaashay   dakhli   kayimid   ilo  aan   hore miisaaniyadda  2017   uga mid ahayn loona isticmaalay  khasrashaad aan hore uga mid ahayn Miisaaniyada    2017,    taas  oo  aan  waafaqsanayn   nidaamka   maaliyadeed   ee  dalka.   Haddaba guddigu  waxaa  uu soo jeedinayaa  in aan dakhli  iyo kharash aan ka mid ahayn miisaaniyadda  la isticmaali  karin iyada  oo aan la horkeenin  Golaha  Shacabka  Jana  budget gareynin  si waafaqsan qodobka 69aadee Xeerhoosaadka   Golaha Shacabka.

Sida  ku cad  qaraarku   Golaha   Shacabka ee  xeerkii   ku  noqoshada    miisaaniyada   2017,  Wasaarada Maaliyada  kuma    soo    darin    miisaaniyada  cusub   ee    2018    5tii     bilood    ee   mushaaraadkii Xildhibaanadu  Barlamaankii    9aad.    Gudigu     waxaa    mar    kale    uu   adkeynayaa    in   gunadii Xildhibaanadii  Barlamaankii  9aad  iyo  xuquuqda   shaqaalaha    lagu  soo  daro  miisaaniyada   cusub  ee 2018.

Sida  ku cad  qaraarkii  Golaha  Shacabka   ee  xeerka   ku  noqoshada  qoondada  miisaaniyadda  2017,  Goluhu   waxaa   uu  go’aamiyay   in gunnada  ciidamada    aan  darajada wax  ku  qaadan   lagu  kordhiyo konton   doolar   ($50)     bil  walba   laga  bilaabo   bisha   Nov.   2017,  balse   sida  ka  muuqata  qoondada ciidamada  ee  rniisaaniyadda  2018 Wasaaradda  Maaliyada  waxay  ka reebtay   korarsiimadaas  $50 doolar   ah ee Barlamaanku  ansixiyay.  Haddaba  gudigu   waxa  uu soo jeedinayaa  in la meelmariyo qaraarkii   Golaha   Shacabka.

Sida  ku cad  qaraarkii  GoIaha  Shacabka  ee  ku  noqoshada    Miisaaniyada  2017,   gudigu   wax a uu usoo   jeedinayaa  Wasaaradda   Maaliyadda    in  ay   usoo   gudbiso   Guddiga   Maaliyadda   liiska dayrnaha oo  faah  faahsan  iyo qorshaha  lagu  bixinayo   ugu danbayn   30 April  2018.

Sida  ku cad  qaraarkii  Golaha   Shacabka ee  ku noqoshada   Miisaaniyada   2017,   guddigu   waxaa   uu soo jeedinayaa  in Miisaaniyadda  Safaaradaha  loo qoondeeyay  lagu  shubo  akoomada   Safaaradaha ay ku leeyihiin    Bangiga   Dhaxe.   Safaaradii   aan akoon  lahayna  si deg  deg  ah loogu  furo.

Guddigu   waxa   kale  oo  uu Golaha   u  soo  jeedinayaa  in  wasaaradda  la  faro soo  diyaarinta    xeer Miisaaniyadeed  qaran  ka  horsanadka  2019  oo  lagu  salayn   doono  gunno  xileedyada  Siyaasiinta   si waafaqsan   Xeerhoosaadka   Golaha   Shacabka.

Si  loo  ilaaliyo    xuquuqda  muwaadinka  iyo hufnaanta  maaliyadda  Dowladda   guddigu   wuxuu   soo jeedinay aa  in cidkasta  oo qaadatu mushaar joogto   ah ama  gunno  Dowladeed  (siyaasiyiin,  ciidan iyo shaqaalaha rayidka)    loo    furo    xisaab     (account)     u   gaar    ah    oo    si   joogta     ah   loogu shubo/wareejiyo.

G udiga   iyo  Wasaarada   waxay   isla   garteen    in  lacagta   3  Maly an  ah  ce  ku  qoran   Wasaarada Dastuurka  gaar  ahaan   madax   xigaha   qarashaadka  kale  loo  sarneeyo   xisaab   u  gaar  ah,  oo  loogu talo   galay    dib-u-eegista    iyo  dhaqangelinta   Dastuurka     ayna   si   wada   jir   ah   u   maamulaan Wasaarada iyo  gudiyada  Dastuurka.

Guddigu   waxaa   uu soo  jeedinayaa  in kadib   marka   la ansixiyo Miisaaniyaada  dib  loogu  qaybiyo Golaha    Shacabka  nuqulka    rasmiga  ah  ee  Goluhu    ansixiy ay  ka  hor   inta   aan   Ia  dhaqan   gelin Miisaaniyadda  2018.

Goobjoog News