U bood dhigaalka

Golaha Shacabka  Oo Xukuumadda Ka Dalbaday In La Joojiyo Qaadka La Keeno Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Guddiga arrimaha bulshada, gaadiidka iyo maaliyadda golaha shacabka ayaa waxa ay xukuumadda ka dalbadeen in gabi ahaanba la joojiyo qaadka Soomaaliya uga yimaada dalalka deriska sida Kenya iyo Itoobiya, xilli dalalkaasi laga helay kiisas la xirira xanuunka Coronavirus.

Guddiga oo maanta shir ka yeeshay arrinkan ayaa waxa ay xukuumadda ka codsadeen in si ku meel gaar ah loo joojiyo qaadka ka imaanayay dalalka Kenya iyo Itoobiya waxaana guddigan aya si gaara u carabaabeen dalka Kenya, maadaama bey yiraahdeen shacabka Soomaaliyeed ay walaac xooggan ka muujiyeen xanuunka Coronavirus ee soo gaaray dalalka deriska.

Sidoo kale dhamaan xubnihii kulankan ka soo qeyb galay ayaa si isku mid ah waxa ay xukuumadda ugu baaqeen in si degdeg ah loo joojiyo waxkasta oo shacabka Soomaaliyeed u keeni kara xanuunka Coronvirus oo uu ugu horeeyo qaadka laga keeno Kenya sida ay tilmaameen.

Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo deris la ah Soomaaliya ayaa laga helay kiisaskii ugu horeeyay ee xanuunka Coronvirus, waxaana xusid mudan in madaxweynaha Kenya ee Uhuru uu xaalad degdeg ah galiyay dalkiisa.

Lama oga sida ay uga jawaabi doonto xukuumadda Soomaalia dalabka uga yimid golaaha Shacabka ee ku aaddan sidii loo joojin lahaa qaadka ka yimaada dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Goobjoog News