U bood dhigaalka

Golaha Shacabka: Sababta Loogu Yeeray Wasiirrada Dastuurka Iyo Cadaaladda

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha shacabka ayaa maanta u yeeray 2 wasiir oo xukuumadda Xasan Khayre ka tirsan in ay horyimaadaan golaha todobaad gudahiisa, wasiiradda loo yeeray waa Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibril iyo Wasiirka Cadaaladda Avv. Xasan Xuseen Xaaji.

Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh waxaa loogu yeeray si su’aalo looga weydiiyo ka hor imaansho go’aanka golaha shacabka ee qaraarka sugidda hilhaynta xubnaha golaha shacabka iyo buuxinta kuraasta bannaan.

Xubnaha Mooshinka wasiirka ka dhanka ah saxiixay waa 10 Xildhibaan, waxaa ka mid ah: Sharma’arke Saleebaan, Khalif Sheekh Cabdullahi, Mahad Maxamed, Cabdinasir Nuur, Zakariye Xuseen iyo Samiiro Xuseen.

Dhinaca kale waxaa golaha la horkeenay Mooshin kale oo ay saxiixeen ilaa 60 Xldhibaan, waxaana loo yeeray wasiirka Cadaaladda, Avv. Xasan Xuseen Xaaji,  Wasiirka ayaa la doonayaa in uu golaha hortago 29ka bishan si uu uga warbixiyo dhismaha golaha adeegga garsoorka.

Goobjoog News