U bood dhigaalka

Golaha Shacabka: Shaki Laga Qabo Qabsoomidda Kulanka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka oo saf ku jiray in muddo ah si ay u galaan xarunta golaha ayaa sheegay in inta badan xildhibaannada safka ku jiray ay iska noqdeen kadib markii gelitaanka adkaaday.

Qaar ka tirsan Xildhibaannada oo la hadlay Goobjoog News ayaa shaki geliyay sida uu kulanka u qabsoomi-doono mar haddii ay iska kala tagayaan Xildhibaannada.

Xiriir ay Goobjoog News la sameysay gudaha golaha shacabka waxaan ku ogaannay in 27 xildhibaan ay ku jiraan kuwaas oo u badan taageerayaasha guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaannada gudaha ku jira oo ka yar tiro ahaan ciidamada amniga ayaa ku qeylinaya erayo ay ka mid yihiin

“Doolar qaate dooni-meyno”, qaar kale ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu golihii doortay Xildhibaannadooda ka hor istaagay inay aqalka soo galaan.

Weriyaha Goobjoog News ayaa sheegaya in hadda saxaafadda loo ogolaaday in ay gudaha u galaan xarunta.

Goobjoog News