U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Soomaaliya oo Dejinaya Istiraatiijiyadda Shaqo ee 4 sano ee Soo Aaddan

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalak Soomaaliya ayaa ku gudo jira dejinta istiraatiijiyadda shaqo ee mudada 4 sano ee soo aaddan.

Xoghaya Guud ee Golaha Shacabka Soomaaliya Cabdikariim  Xaaji Cabdi Buux oo aan la yeelannay wareysi gaar ah ayaa sheegay inuu baarlamaanku ku jiro diyaarinta istiraatiijiyada Afarta sanno uu ku shaqeyndoono golaha iyadoo kalfadhigan koowaad uu u yahay mid is diyaarin ah:

“Baarlamaanka Tobnaad waa baarlamaan Cusub, ajandayaasha ugu horreya ee baarlamaanka waxa weeye dejinta qorshihii Istiraatiijiyadeed ee uu ku shaqeyn lahaa, mudada dheer, waxa kale oo la sameynayaa xeerhoosaadkii ay isku maamuli lahaayeen, waa kii horey u jiray, laakiin xeer-hoosaadka dib baa loogu noqdaa, waxna waa lagu daraa, waxna waa laga bedelaa, markaa iyana waxaa la sameeyaa guddiyadii baarlamaanka, wixii kusoo dhex dhaca sida, sharcidegdeg ah haddii loo keeno, inta aanuu waxba qaban kalfadhiga ugu horreeya waa inuu isagu is diyaairyo”.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo 8 bishan kalfadhigiisii kowaad kulankiisii 7aad ee wadajirka ahaa ku yeeshay magaalada muqdisho ayaa doortay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hoggaamin doona Dowladda Federaalka Soomaaliya 4sano ee soo aaddan.

Goobjoog News