U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Soomaaliya oo Warbixin Ka Dhageystay Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoonka Golaha

Sheeko:Baarlamaanka

Kulan ay maanta ku yeesheen golaha shacabka magaalada Muqdisho ayaa waxay warabixin uga dhageysteen guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka Golaha shacabka oo ka horjeediyay qorshaha hanaanka doorasho ee guddoonka golaha shacabka.

Kulanka ayaa waxaa soo xaadiray xildhibaanno gaaraya illaa 161 xubnood, waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee  golaha shacabka Cismaan Boqorre, halka ajanadaha xubnaha horyaallay uu ahaa hadal jeedinta xubnaha guddiga qabanqaabada doorashooyinka guddoonka Golaha Shacabka.

Markii la gudo galay ajandaha kulanka lana ansixiyay ayaa waxaa la dhaariyay Labo xubnood oo ka mid noqonaya Golaha Shacabka; Faadumo Odowaa Raage iyo Saadaq Nuur Shuuriye oo si rasmi ah uga mid noqday xubnah baarlmaanka 10-aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga qabanqaabadan doorashada guddoonka baarlamaanka Xil.Dr.C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa baarlamaanka ka horjeediyay warbixin ku aaddan habka ay u qorsheeyeen doorashada guddoonka baarlamaanka iyo jadwalka doorasho, hadaladiisana waxaa ka mid ahaa; “Guddoomiye, xildhibaannada sharafta leh ee halkan fadhiya, muhiimaddaydu waxay tahay inaan idiin sharraxo, warbixin yar oo koobanna aan idinka siiyo, guddigii aad bisha 1-deedii u magacawday doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo Labadiisa guddoomiye ku xigeen 01.01.2017, …..”.

Guddoomiye Beyle waxa uu xildhibaannada u sharraxay hannaanka doorashada guddoonka oo maalin ka hor ay saxaafadda u qeybiyeen guddiga qabanqaabada ee uu guddoomiyaha u yahay.

Halkan Hoose Ka Akhriso Jadwalka Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka:

jadwalka-doorashada-guddoonka-baarlamaanka

 

Goobjoog News