U bood dhigaalka

Golaha Shacabka: Xildhibaanno Cambaareeyay Hadalka Safiirka Itoobiya, Madaxweyne Farmaajana La Taliyay

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ayaa ka soo horjeestay hadal uu shalay SNTV u sheegay safiirka Itoobiya ee Soomaliya Jamaaludiin Mustafa kaas oo sheegay in sii-deynta Cabdirkariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ay ku timid codsi ka yimid dowladda Soomaaliya oo ay u gudbisay Itoobiya.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa bartiisa Faceboogga soo dhigay qoraal uu cinwaan uga dhigay “Damiir xishooda hadii aadan lahayn sameey wixii aad rabto” isaga oo intaas raaciyay in dowladda federaalka ah ku ceebowday dhiibistii Cabdikarim Qalbi-dhagax iyo xataa u baryeen kal hore madaxweynaha Killinka Shanaad, haddana mar 2aad safiirka Itoobiya.

Mahad Salaad qoraalkiisa waxaa ka mid ahaa“Shalay ONLF waa urur argagixiso ah ayay dhaheen, Barlamaanka Soomaaliya ayaa ka dhiidhiyay oo ku diiday yirina urur agagixiso ma’ahan ee waa urur gobonimo udirir ah, maantana Barlamaanka Itoobiya ayaa u marqaati furay Barlamaanka Soomaaliya oo yiri waa urur siyaasadeed oo xaq udirir ah. Waana ku ceeboobeen!

Xildhibaan Mahad Salaad waxaa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay ‘Haddaba, hadii Abdikariim kii ay shalay dhaheen waa agagixiso oo amniga iyo xasiloonida geeska Afrika ayuu halis ku yahay ay arkaan maanta isaga oo xor ah. Hadii Ururkii ONLF ee shalay ay dhaheen waa argagixiso maanta la yiri waa urur siyaasadeed oo xaq udirir ah, laguna abaalmariyay in Itoobiyada cusub siyaasadeeda ay hormuud u noqdaan. Tolow malaga yaabaa in madaxdeenu isceebsadaan oo beenta iyo propagandada inta iska dhaafaan umadda cafis weydiistaan?!

Dhinaca kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo isna arrinkan Facebook uga hadlay ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay inuu safiirka Itoobiya u hadlo dowladda Soomaaliya, isaga oo intaasi raaciyay in warkiisa uu ka soo horjeedo mowqifka dowladda Soomaaliya

Xildhibaan Odowaa waa qoraalkiisa ka mid ahaa “Waxaan barta internetka ee ww.sntv.s, ka aqriyay iyaga oo soo xiganaya wareysi uu bixayay safiirka Ethopia u fadhiya Soomaliya, kaas oo nuxurkiisu ahaa in dowladda Somaaiya ay ka codsatay sii daynta Qalbi-dhagax. ( barta dowladda wixii lagu qoro waa war dowladdu ogtahay)

Warka safiirku waxa uu ka soo horjeedaa mawqifkii dowladdena aan ku ogeyn oo ahaa waa argagixiso Qalbid- dhagax, ma qootoqootabaa go’aankaas lagu badalay!

Ugu dambeyntii, waxaa uu Xildhibaanka Cabdiraxmaan Odowaa la-taliyay Madaxweyne Farmaajo iyo maamulkiisa isaga oo ku yiri, waa in ay qaadaan talaabooyinka soo socda:

1- in ay qabtaan shir gole wasiiro aan caadi aheyn, sida ay kii Qalbi- dhagax ku dhibeen kuna go’aamiyeen inuu ururka ONLF yahay argagaixiso , caddeeyaanna in go’onadaasi ahaayeen kuwa khladan.
2- In ay cafis waydiistaan dhammaan umadda Soomaaliyee, Qalbidhagax iyo qoyskiisa iyo ONLF.
3-Intaa ka dibna waa in ciddi falkaa ceebeeyay qaranimada Soomaliyeed la hor keenaa cadaaladda qofkuu rabo ha ahaadee.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo isna qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa isweydiiyay “Goormaa afhayeenkii Villa Soomaaliya loo magacaabay Jamaaludiin Mustafe safiirka Itoobiya iyo in uu ku hadlo magaca dawladda Soomaaliya?

Isaga oo safiirka weydiiyay “Dadka siyaasadda u xirnaa ee la midka ahaa Qalbi Dhagax ee xabsiyda Itoobiya laga sii daayayna ha noo sheego Jamaaludiin cidda ka danbeysay sii deyntooda? In ONLF Barlamaanka Itoobiya loo gudbiyey in aysan argagixiso ahayn ha noo sheego cidda ka danbaysa!

Xildhibaan Fiqi  oo isla safiirka ka hadlaya waxaa uu yiri “Jamaaludiin wuxuu ka mid ahaa kuwii Qalbi Dhagax afduubkiisa gacanta ka gaystay, weliba in si dhuumaalaysi ah diyaarad loogu qaado Baydhabo ka dibna Itoobiya oo kooxahaas maafiyada ah loo gacan galiyo, Maanta inuu inta na soo hor istaago been intaas le’eg uu isku dayo inuu umadda ku marin habaabiyo waa arrin muujinaysa wadada dalkeenu uu qaaday iyo meesha xaal marayo.

Xildhibaan Axmed Fiqi waxaa uu ugu dambeyntii soo jeediyay” Wadada u furan kooxdii shirkada ku ahayd falkii gurracnaa ee afduubka Qalbi Dhagax waa in ay cafis waydiistaan umadda, ka dibna Qalbi Dhagax, cid kasta oo laga hadalsiiyo ama been kasta oo la dhoodhoobo ma tirtiri karto xaqiiada jirta ee ku aadan taariikhda madow iyo raadka xun ee arrintaasi ay reebayso!

Goobjoog News