U bood dhigaalka

Golaha Shacabka: Yaa Wado Mooshinka Ka Dhanka Ah Imaaraadka Carabta?

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa  dowladda Imaaraadka ka gudbiyay Mooshin iyaga oo sheegaya in uu safiirkooda faragelin iyo daba-mareen uu ku haayo dowladda Soomaaliya.

Xildhibaanno ay ka mid yihiin Cabdullahi Sheekh Ismaaciil, Zakariye Maxamud Xaaji iyo  Axmed Macalin Fiqi ayaa guddoonka golaha shacabka u gudbiyay Mooshinkan iyaga oo sheegay in ka mid noqon-doono ajendhaha ugu horeysa ee golaha shacabka.

Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay sababta ay mooshinka u gudbiyeen“Waa jiraa Mooshinkaas dowladda Imaaraadka laga keenay, gaar ahaan safiirkooda, waxaan ka wal-walsanahay waa faragelinta qaawan ee Imaaraadka ku hayo dalkeenna iyada oo aan u aabo-yeeleyn madaxbannaanida iyo xiriirkii wanaagsanaa ee naga dhaxeeyay”.

Xildhibaan Cabdullahi waxaa uu safiirka ku sheegay in faragelinta Imaaradaadka tahay arrin ka horimaneysa madaxbannaanida dalka“Waxaan dareenay in lagu xad-gudbaayo dowladnimada, Madaxbannaanidii, qaranimadii iyo midnimadii, waxaan aragnay khatar ku fool leh waddanka, dowladnimadiisa, oo aan dan laga laheyn, waa arrinta nagu qasbay in aan baarlamaanka soo hordhigno”.

Mar uu ka hadlay Mooshiinkii Berbera waxaa uu yiri“Wallaahi Marka arrinta Berbara ka soo qaadno, marka sida loo dhaqmayo aragnay, waxaa noo muuqata in aan la garawsaneen…waxaa ay taabaneysaa arrinkaas xiriirkii soo jireenka ahaa ee labada dal,…haddii uu safiir yahay ama dowladda tahaba waa qalad”.

Waxaa uu sidoo kale Xildhibaan Cabdullahi Sheekh ismaaciil ka hadlay khilaafka dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah

“Xuduudihii iyo awoodihii ugu dhigna aiyo kuwa dowladda dhexe in ay isku qaldaan, waa dastuur jabis iyo in Soomaaliya dib loogu dhigo, in qofka ksata iska qaraabto uma fiicno dowladnimada iyo qaranimada”.

Goobjoog News