U bood dhigaalka

Golaha Shacabka:Xildhibaanno Ajande Kala Duwan Heysto Oo Gudaha U Galay Xarunta.

Sheeko:Baarlamaanka

Sida ay Goobjoog News  u xaqiijiyeen xildhibaanno ka tirsan golaha Shacabka waxaa haatan ku sugan xarunta Xildhibaanno heysto labo Ajande ee kala duwan .

Ajandaha koowaad waa Mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, halka Ajandaha labaad uu yahay ka doodista darbiga Belad-xaawo.

Xildhibaannada waxaa kale oo ay noo sheegeen in gawaaridooda ay ula gudbeen xarunta, halka ilaalada looga reebay Dabka iyo Daljirka-daahsoon.

Wararka ku saabsan kulanka golaha shacabka kala soco Goobjoog .com

Goobjoog News