U bood dhigaalka

Golaha Wakiilada Puntland oo Cod Galiyey Xeerka Gudiga Doorashooyinka , Isbadalana Ku Sameeyey

Sheeko:Dalka

Baarlamaanka PuntlandMaalmahan baarlamaanka Puntland waxaa horyaalay xeerka gudiga doorashooyinka oo ka kooban 24 qodob, kaasi oo ay xukuumadda horey usoo gudbisey.

Hawshii doodista ayaa meel gabogabo ah mareysa, iyada oo isbadal lagu sameeyey xeerka, jiraana qodobo laga saaray.

Xildhibaan Surcad oo ka mid ah xildhibaanada ka qeybgalay kulanka ayaa sheegey in codbixin maanta ka dhacday baarlamaanka gabi ahaan meesha looga saaray qodobka 10-aad ee xeerka, kaasi oo dhigayay in wasaaradda dastuurka, federaalka iyo dimoqoraadiyeynta ay kaalin ku yeelato arrimaha gudiga doorashooyinka.

Waxaa qodobkaasi meesha looga saaray maadaamaa uu shaki galinayo madaxbanaanida gudiga doorashooyinka.

Qodob kale oo cod la galiyey ayaa ahaa qodobka 4-aad oo dhigayay in qofka xubin ka noqonaya gudiga doorashooyinka da’diisu ay sharci tahay in 40 sano ay ahaato, qodobkaasi ayaa waxa codka aqlabiyadda la’isku raacay in sidiisa uu ahaado.

Waxaa la diidey dood ahayd in qodobkani uu takoorayo dhalinyarada in ay xubno ka noqdaan gudiga.

Xildhibaan Surcad ayaa dhanka kale sheegey in xeerkani uu yahay %90 kii xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole ay soo diyaarisey ka hor xukuumadda Cabdiwali Cali Gaas, balse waxyaabo lagu dardaray.

Mar uu ka jawaabay su’aal la xiriirtey maxkamadda dastuuriga waxa loo dhisi la’yahay ayuu sheegey in xeerkii maxkamadaasi uu dhameystiranyahay, kaliyana madaxweynaha laga sugayo in uu soo magacaabo.

Dhageyso

 

Goobjoog News