U bood dhigaalka

Golaha Wakiilada Puntland oo la Dhaariyay, Guddoon KMG ahna Doortay

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta xarunta Puntland ee Garoowe lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland,kadib markii kuwaasi oo shalay gelinkii dambe lagu dhawaaqay liiska xildhibaanada oo ka koobnaa ilaa 66 mudane

Munaasabadda dhaarinta waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiinta Maxkamadda Sare ee maamul goboleedka,taasi oo ka dhacday xarunta Baarlamaanka  Puntland,xildhibaanada ayaa laga soo xulay deegaanada Puntland.

Dhanka kale xildhibaanada ayaa doortay guddoomiye KMG ah u doortay Xildhibaan Xuseen Xaaji Yaasiin oo ah qofka ugu da’da weyn ee kujira baarlamaanka,ilaa laga soo dooranayo guddoomiyaha baarlamaanka ee rasmiga ah.

Mudanayaasha Golaha wakiilada Puntland ayaa la filayaa in dhawaan ay doortaan guddoomiye cusub,iyadoo intaasi kadibna loo gudbi doono doorashada madaxweynaha maamulkaasi.

Diyaar garow ku aadan doorashooyinka guddoomiyaha iyo tan madaxweynahaba waa mid si weyn looga dareemayo deegaanada Puntland,iyadoo ay jiraan musharixiin badan oo u taagan xilka madaxweynaha,waxaana kamid ah madaxweynaha waqtigiisu sii dhamaanayo ee C/weli Maxamed Cali Gaasi.

Goobjoog News