U bood dhigaalka

Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyey xilliga doorashada madaxweynaha & wakiilada

Sheeko:Dalka

Kadib dood ay yeesheen Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland ayaa manta waxaa ay isku raaceen in labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Wakiilada hal mar la wada qabto, iyagoo sidoo kale ansixiyey Xeerka diwaangalinta Maddaniga ah iyo codbixinta.

Gudoomiye golaha Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay in go’aankaas ay u qaateen si ay u yareeyaan dhaqaalaha ku baxaya doorashada, maadaama Somaliland aysan heysan dhaqaale ku filan laba doorasho.

Doodad ku aadan in doorashada Madaxweynaha iyo tan wakiilada mar la wada qabto, ayaa ka dhalatay  hadal hayn ah in sanadka 2015-ka la qabto doorashada wakiilada, ka dibna laqabto tan madaxweynenimada sannadda 2016.

xukuumaddu madaxweyne Siilaanyo weli kama aanay hadlin go’aanka barlamaanka uu maanta gaaray, waloow gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka dhawaajiyey in goluhuu uusan xukuumadda iyo madaxweynaha kala tashan go’aanka uu manta gaaray.