U bood dhigaalka

Golaha Wakiillada Puntland oo Markale Ka Shiraya Arrimaha Matalaadda Gobolka Banaadir

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha wakiillada dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta markale la filayaa in ay kulan ku yeeshaan magaalada Garowe, kaas oo la xiriixa kulan goluhu ay shalay ay ka yeesheen mataladda gobolka Banaadir.

Kulanka maanta golaha ayaa lagu wadaa in golaha ay soo saaraan war-murtiyeed ay Puntland ay ku cadeeneyso moowqifkeeda matalaadda gobolka Banaadir laga siiyey Aqalka sare  13 Sanotor Baarlamaanka 2021-ka.

Golaha wakiillada Puntland oo maalinimadii shalay dood dheer ka yeeshay arrinta matalaadda gobolka Banaadir, ayaa eedeyn u jeediyey dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, marka laga reebo Jubbaland.

Goobjoog News