U bood dhigaalka

Golaha Wakiillada Somaliland Oo Doortay Guddoomiye Cusub, Waa Kuma?

Sheeko:Dalka

Golaha wakiillada Somaliland ayaa maanta guddoomiye cusub u doortay Baashe Maxamed Faarax kadib markii uu helay codkii ugu badnaa ee aqalka.

Golaha oo ay maanta joogeen 67 Xildhibaan isla markaana uu shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka 2aad Dr. Cali Yusuf ayaa waxaa kursiga afhayeenka golaha ku tartamayey Baashe Maxamed, Saleebaan Cali Koore iyo Cabdiraxmaan Tanyalne, tartan kadib waxaa codadkii ugu badnaa helay Baashe Faarax isaga oo helay 39 halka Cabdiraxmaan Tanyale uu helay 38 cod.

Guddoomiyaha cusub ee golaha wakiillada Somaliland waxaa uu 12-kii sano ee ugu dambeysay ahaa guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee aqalka, waa xisbiga Kulmiye, waxaa uu ka mid yahay 12 Xildhibaan oo Dhulbahante ku leeyihiin Somaliland.

Doorashadan ayaa la qabtay kadib markii todobaadkii hore uu iscasilay guddoomiyihii golaha Cabdiraxmaan Cirro.

Goobjoog News