U bood dhigaalka

Golaha Wakiillada Somaliland Qaarkood oo Ku Kala Aragti Duwanaday Lixda Goobood ee Codbixinta Deegaanka Lughaya

Sheeko:Baarlamaanka

Saddex mudane oo ka tirsan aqalka Wakiillada Somaliland ayaa difaacay in xukuumadda Somaliland diiwaangelinta codbixiyeyaasha ka qabato Lix goobood oo ka tirsan degmada Lughaya  oo  muran ka taagnaa mudooyinkii dambe, halka xildhibaanno kalena ay eedayn ku aaddan goobahaa usoo jeediyeen xukuumadda.

Lixdan goobood ee ka tirsan degmada Lughaya  ayaa murankoodu bilowday  ka dib markii  wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland soo saartay in  codka deegaanadaasi  uu hoos tagi doono gobolka Hargeyas, taas oo ay ka  soo horjeesteen dadka ku nool ee deeggan Lixdaa goobood.

Xildhibaanadan oo kala ah Cabdikariim Aw-Cali Shabeel , Cabdilaahi Axmed  Balaaki iyo  Maxamuud Cumar  Xaashi  ayaa ku doodaya  in xukuumaddu ku saxan tahay  in deegaanadaasi hoos tagaan degmada Hargeysa, iyaga oo cuskanaya  xeerka numbarkiisu yahay  23/2000 oo ay sheegeen inuu qeexayo  in deegaanada u dhexeeya xuduudaha labo gobol uu gobolka weyni qaadanayo  waxaanu yiri Xildhibaan Balaaki “waxaan idin sheegayaa dadka madaxda dhaqanka u badan ee ku doodaya in goobahani  hoos tagayaan gobolka Awdal miyaad illowdeen mise maba ogidin xeerkii la ansixiyey ee  23/2000 kaasi ayaa sidan cadaynaya “ .

Xildhibaanadan oo warbaahinta kula hadlay magaalad Hargeysa ayaa  tilmaamay in diiwangelintu khalkhal geli karto haddii xukuumaddu ka laabato talaabadaasi .

Dhanka kale isla xildhibaanno ka tirsan aqalka wakiilada ayaa xukuumadda ku dhaliilay arrintan waxayna sheegeen inay keenayso kacdoon  ay  dadka deegaanku  kaga hor yimaaddaan talaabadan   waxaana xildhibaanadaasi oo uu ka mid aha Axmed yaasiin Shiikh Cali Ayaanle uu yiri “ anaga ayaa kow ka  ah dadka ka soo horjeeda arrintan  waxaanu xukuumadda leenahay gaar ahaan madaxweynaha  ayaanay dhib dalka nabadgelyadiisa arrintani u soo jiidin ee madaxweyne  sidii tii horeba 2010 lagu galay u daa “.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa  la filayaa inu maanta odayaal ka soo jeeda deegaanadaa lagu muran san yahay kulan kala yeesho arrintan oo aad hadal haynteedu u badnayd labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Goobjoog News