U bood dhigaalka

Golaha Wasiirada Ayaa Maanta Ansixiyey Xeerka Nidaamka Garsoorka Federaalka (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa waxaa shir guddoominayey ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaaladda mudane Cabdullahi Axmed Jamac “Ilka Jiir” kulanka ayaa looga hadlay xisaab xirka 2014-ka, safar shaqo oo ay ku tagtay Wasiirada Haweenka dalka dibadiisa, ansixinta nidaamka xeerka garsoorka iyo arrimaha amniga.

Ugu horayntii golaha Wasiirada ayaa dood ka yeeshay xeerka nidaamka garsoorka, wuxuuna xeerkaani nidaaminayaa qaab dhismeedka awoodda maxkamada garsoorka ee heer dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka, madaama ay laga maar maan tahay in la kala cadeeyo awoodaha ay kala yeelanayaan.

Sidoo kale Wasiirada Haweenka iyo Arrimaha Xuquuqul Insaanka marwo Sahro Cali Samatar ayaa ka warbxisay howlaha baaxada leh ee ku aadan dib u habaynta waaaradda iyo shirar ay uga qayb gashay dalka Sweden.

“Wasaarada haweenku waa wasaarad u taagan horumarinta qoyska, anoo taas ka duulaya waxaa martiqaad iisoo dirtay Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Sweden waxaana shir balaaran la qaatay Wasiiradda iyo xubno ka socday wasaaradaha arrimaha bulshada ee dalkaas, waxaana isla soo qaadnay sidii haweenka Soomaaliyeed looga caawin lahaa Arrimaha Siyaasada, Ganacsiga iyo Horumarinta qoyska, waxayna iga balan qaadeen iney wasaarada kala shaqayn doonaan sidii loo hormarin lahaa, looguna soo biirin lahaa khubaro wasaaradda kala shaqaysa dhamaystirka hindise sharciyeedyada ay diyaarinayso” ayeey tiri wasiirada haweenka marwo Sahro

Dhanka kale Wasaariirka Maaliyada Maxamed Aden Fargeeti ayaa soo hordhigay golaha wasiiradda xisaab xirka sanadkii 2014-ka Wuxuuna sheegay in sharciga dastuurka iyo xeer hoosaadka wasaaradda maaliyadda uu dhigayo in looga doodo golaha wasiirada kadib markay ansixiyaana loo gudbiyo golaha barlamaanka.

“Sida uu qabo qodobka 25-aad ee xeerka maamulka maaliyadda ayaa qeexaya in xisaabta dowladda sanad walba la xiro, islamarkaana la raaciyo dhamaan xogaha la xiriira xisaab xirka, sida kharashka iyo dakhliga oo faahfaasan, lana raaciyo dhamaan xogaha waxtarka u ah faafaainta kharashkii la galay iyo guud ahaa wixii dhacay inta lagu guda jiray wareegga miisaaniyadda sanakd 2014-ka”ayuu yiri wasiir Fargeeti

Ugu danbayntii Wasiirka Amniga mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa golaha uga warbixiyey weerarkii fashilmay ee kooxaha nabad diidku saaka waaberigii ku soo qaadeen xaruntii ay Cadaado ka daganyihiin ergada maamul u samaynta gobolada dhexe, wuxuuna wasiirku sheegay inuusan ka dhalan wax khasaaro ah, halkaasna lagu khaarijiyey kooxihii soo abaabulay qaraxa, uguna hambalyeeyey ciidamada kala duwan ee sugaya amaanka sida ay uga hortageen weerarkaas waxashnimada ah.

W1 W2 W3 W4 W5 W6

–DHAMAAD—

Diraac Salaad Fagaase
Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska RW