U bood dhigaalka

Golaha Wasiirada Cusub ee Koonfur Galbeed oo Yeeshey Kulankoodii Ugu Horeeyey

Sheeko:Dalka

ShariifGolaha wasiirada maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta yeeshey kulankoodii ugu horeeyey xili shalay uun lasoo dhamaystirey golaha.

Waxaa shir guddoominayay ku simaha madaxweynaha Maxamed Xasan Fiqi oo ah wasiirka Beeraha iyo Waraabka, waxaana looga hadlayay amniga xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka ee Baydhabo.

Waxaa si faahfaahsan looga hadlay weerarkii Alshabaab ay ku qaadeen xerada ciidamada ee Baydhabo duleedkeeda maalmo ka hor iyo guud ahaan amniga Baydhabo.

Wasiirka warfaafinta maamulka Xasan Cabdi oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegey in kulanka sidoo kale looga hadlayay dajinta qorshe hawleedka maamulka ee sanadkani.

Intii uu kulanka socdey waxaa warbixin laga dhagaystey wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda oo iyagu horey loo magacaabay, waxayna ka hadleen waxyaabihii u qabsoomay intii ay magacoownaayeen.

Goobjoog News