U bood dhigaalka

Golaha Wasiirada Hirshabelle Oo Codka Kalsoonida Ah Ka Helay Baarlamaankooda

Sheeko:Dalka

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa kulan ay maanta oo Sabti ah ku yeesheen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe, waxay codka kalsoonida ah ku siiyeen wasiirada maamulkaasi ee dhowaan uu soo magacaabay Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble.

Madaxweyne Cosoble waxa uu baarlamaanka Horshabelle horgeeyey wasiirada, isaga oo baarlamaanka ka codsaday in codka kalsoonida ah ay siiyaan.

Xildhibaannada Hirshabelle ee codka kalsoonida ah siiyey wasiirada maamulkaasi waxay tiradoodu ahayd 71 mudane, codkunaa waxa uu ahaa gacan taag.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble ayaa 20-kii February 2017, magacaabay golihiisa wasiirada oo ka kooban 52 mudane, iyadoo ay jireen xildhibaanno iyo siyaasiyiin mucaaraday xubnaha la magacaabay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News