U bood dhigaalka

Dhageyso: Golaha Wasiirada K/galbeed Oo Baaq u Diray DFS Iyo AMISOM

Sheeko:Amniga

Golaha wasiirada ee maamulka K/galbeed ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Baydhabo waxay kaga hadleen arrimo badan oo xasaasi ah.

Kulankaan ayaa waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ah amniga wadada isku xirta Muqdisho iyo Buurhakaba oo maalmihii ugu dambeeyey laga soo sheegayey dhibaato amni.

Waxay wasiirada ugu baaqeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo AMISOM iney wax ka qabtaan amniga wadadan, lana dagaallamaan ragga hubeysan ee shacabka dhibaateynaya.

Xasan Cabdi Maxamed oo wasiirka warfaafinta K/galbeed ayaa saxaafadda u faah faahiyey waxyaabihii looga hadlay kulankaan.

Wasiirka ayaa sheegay in sidoo kale ay jiraan howlgallo ay sameeyeen ciidamada K/galbeed kuwaasi oo lagu baacsaday Al-shabaab.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News