U bood dhigaalka

Golaha Wasiirada Oo Ansixiyey Siyaasadda Guddiga Ammaanka Iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoomiyay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda Mudane C/laahi Axmed Jaamac “Ilka-Jiir”, iyadoo kulankan Warbixino looga dhageystay Wasaaraddo kala duwan, isla markaana lagu ansixiyey Siyaasadda guddiga Ammaanka iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed.

Ugu horeyn, golaha Wasiirada ayaa warbixin la xiriirta ammaanka guud ee dalka ka dhageystay Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha, waxana ay sheegeen in Ciidamadda Qaranka howlgallo ay ka sameeyeen deegaano hoos-yimaada degmada Madahadaay, oo ay kamid yihiin, Ceel-baraf iyo Caadley ee gobolka shabeelaha dhexe oo horey halkaas ugu sugnaayeen Kooxaha Nabaddiidka ah ay gacanta ku dhigeen Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxay ka warbixiyeen howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka oo Ciidanka Amnigu ay ka sameeyeen Magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, kuwaas oo lagu fashiliyey falal amini darro oo ay maleegayeen kooxaha Argagixisadu.

Ugu danbeyntii, Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey Siyaasadda Guddiga Ammaanka iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed oo uu soo gudbiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, sidaas ayaana lagu dhaqan galin doonaa Siyaasaddan cusub.

—–DHAMMAAD—

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia