U bood dhigaalka

Golaha Wasiirada oo isku raacay in Wasaaradda Arrimaha Dibadu go’aan ka gaarto cida qaadanaysa Baasaboorka diblomaasiga

Sheeko:War

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyey kulankii caadiga ah ee Golaha Wasiirada, waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda dalka, iyadoo goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen magacaabista Wasiirka amniga Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidamadda Booliska iyo Nabad-sugidda oo dhawaan uu magacaabay Ra’iisul Wasaaruhu.

Kulanka markii uu soo dhammaaday kadib, waxaa Saxaafadda la hadlay Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli, waxaana uu sheegay goluhu inuu meel mariyay sharciyo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya, isla markaana uu soo afmeeray doodii la xiriirtay Maamulka Baasaboorka Diblumaasiga cida xaqa u leh qaadashadiisa, iyadoo goluhu isku raacay in Wasaarada Arrimaha Dibaddu ay tahay mida go’aanka ka gaaraysa cida qaadanaysa Baasaboorka Diblumaasiga ah. waxaana afahayeenku xusay in arrintan looga golleeyahay sidii lagu soo celin lahaa sharafta iyo hanaanka loo marayo qaadashada Baasaboorka.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo kulanka golaha ka hadlay ayaa sheegay is badalka lagu sameeyay laamaha ammaanka dalka wax badan inuu ka badali doono falalka waxashnimo ee kooxaha Nabad-diidku geysanayaan.

“Isbadalkan ay Xukuumaddu qaaday waxaa uu ujeedkiisu yahay in si dhab ah oo kalsoonida bulshadu ay ku jirto wax looga qabto falalka lidiga ku ah amniga ee Nabad-diidku ay geysanayaan” ayuu yiri R.W Cabdiweli Sheekh Axmed.

Sidoo kale markii uu goluhu dhegeystay soo-jeedinta wasaaradda Amniga Qaranka, isla-markaasina uu dood ka yeeshay, ayuu isku raacay ansixinta soo-jeedinta wasaaradda Amniga ee ku aaddan sharciga la dagaalanka Argagixisada, iyadoo sharcigan horay loo ansixiyay balse isbadallo lagu sameeyay qodobo loo arkay muhiim.

“Way adagtahay in argagixiso laga guuleysto haddii aan si huffan loo qeexin sharcigan oo baahi badan loo qabo, sharcigani wuxuu fursad u siinayaan dowladdu in ay la dagaalanto kooxaha dalka dhibaatada ka wada oo hadda uusan jirin sharci qeeyaxa qaabka dowladdu u wajahayso dagaalkooda” ayuu yiri Wasiirka Amniga Qaranka.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirada ayaa hal darajo dalacsiiyay askarigii fashilayay weerarkii kooxaha Argagisadu kusoo qaadeen dhismaha Madaxtooyada dalka oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Cabdi , waxaana sidoo kale abaal marin la guddoon siinayaa askartii kale ee howlgalka ka qeyb qaatay.

Wararka Goobjoog news