U bood dhigaalka

Golaha Wasiirada Oo Ka Shiray Arrimo La Xiriira Amniga Dalka

Sheeko:Dalka

Golaha Wasiirada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya oo manta isugu yimid kulunkoodii caadiga ahaa ayaa ka dooday xakameynta walxaha laga sameeyo qaraxyada, iyo daba-gelidda hantida qaranka, waxaana kulan ka Shir gudoominayay Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac ‘’Ilka-Jiir’’.

Waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada oo ay kamid yihiin Bacrinta, Kaydinka (ceelasha) iyo waxyaabaha kale ee la xiriira ayeey golaha go’aan ku gaareen in ay kontaroolaan Wasaaradaha shaqada kuleh fasax la’aantoodna aan dalka la keeni Karin si looga hortago in waxyaabahaasi loo adeegsado in qaraxyo lagu sameeyo.

Wasiirka cadaaladda ahna gudoomiyaha gudiga badbaadinta hantida qaranka ayaa Golaha u soo gudbiyay digreeto lagu keenayo hantida ay lahaanjireen wasaardaha iyo hey’adaha dowladda ee dowladii dhexe si ay u fududaato daba-gelida hantida qaranka iyo in la hubiyo in si sharci ah loo isticmaalo.

Ugu dambeyntii golaha Wasiirada Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa bogaadiyay ciidamada amniga ee difaacay weeraradii isku dayga ahaa ee Al-shabaab.