U bood dhigaalka

Golaha wasiirada oo kulan arimo badan looga hadlay ku yeeshay magaalada Muqdisho (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa kulan saacado badan qaatay, islamarkaana albaabada u xirnaa waxay ku yeesheen xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee magaalada Muqdisho kaa oo arimo badan looga hadlay.

Kulankaan ayaa soo gaba gaboobay caawa, waxaana shir gudoominaayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed, iyadoona faah faahin laga bixiyay waxyaabihii looga hadlay.

Afhayeenka xukuumada Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdi ayaa sheegay in waxyaabaha looga hadlay ay ka mid ahaayeen arimaha amniga iyo howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada dowladda sameeyeen.

Sidoo kale wasaaradda maaliyadda xukuumada Soomaaliya ayaa laga dhageystay sharaaxadda qorshaheeda miisaaniyadda 2015, sidoo kalena wasiirada ayaa su’aalo weydiiyay hanti dhowraha guud ee Qaranka.

Halkaan hoose ka dhageeyso Ridwaan Xaaji oo faah faahin ka bixinaaya kulanka golaha wasiirada.

Goobjoog News