U bood dhigaalka

Golaha Wasiirada Oo Maanta La Horgeynayo Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la horgeeyo golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xildhibaannada horgeynaya ajendaha xukuumaddiisa iyo wasiiradan si codka kalsoonida ah loo siiyo.

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, in maanta la hor keeni doono wasiirada.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa xildhibannada u jeedin doono khudbad uu faah faahin kaga bixin doono wasiiradiisa, isaga oo ka codsan doona iney meelmariyaan.

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ayaa horey u dhaliilsanaa qaab dhismeedka xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, balse lama oga waxa hadda ka bedalmay aragtidii ay qabeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News