U bood dhigaalka

Golaha Wasiirada Oo Maanta Leh Kulan Looga Hadlayo Abaaraha Iyo Amniga Dalka

Sheeko:Dalka

Golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah ay magaalada Muqdisho ku yeeshaan kulan looga hadlayo arrimaha amniga iyo abaaraha dalka ka jira.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo Arbacadii shalay ka hor hadlay xildhibaannada golaha shacabka, kahor anisixintii xukuumaddiisa ayaa sheegay in haddii codka kalsoonida ah ay helaan golahiisa wasiirada in kulankooda ugu horreeya ay yeelan doonaan maanta oo Khamiis ah, kaasi oo si gaar ah looga hadli doono wax ka qabashada amniga iyo abaaraha dalka.

“Marka aad codka kalsoonida na siisaan xukuumadda cusub kulankeeda ugu horreeya ee golaha wasiirada oo dhici doona maalinta berri ah waxaan siin doonnaa mudnaan gaar ah howlaha gurmadka abaaraha iyo wax ka qabadka amniga” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Kulanka maanta ayaa lagu falanqeyn doonaa arrimaha kor ku xusan, waxaana la filayaa in golaha wasiirada ay kulankooda qodobo kasoo saaraan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News