U bood dhigaalka

Golaha wasiirada oo maanta meel mariyay hindise shjarciyeedyada Doorashooyinka, xuduudaha iyo Federaalka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa maanta kulan waxa ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaa oo looga hadlay arimo badan oo xasaasi ah.

Inkastoo kulankaan ay ka maqnaayeen xubno ka mid ah wasiirada ayaa hadana waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ah arimaha amniga, meel marinta Hidise sharciyeedyo iyo arimo kale.

Kulanka maanta waxaa shir gudoominaayay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed, waxaana kulanka ka dib saxaafadda faah faahin siiyay ra’iisul wasaare ku xigeen, ahna wasiirka Diinta iyo awqaafta xukuumada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya ay guulo muhiim ah ka keentay dagaaladii ugu dambeeyay ee dalka ka dhacay, iyo arimaha amniga oo laga wareestay wasiirka amniga Khaliif Axmed Ereg.

“Waxaa laga hadlay in dalka waqti adag uu ku jiro, waxa uu dalka wajahayaa hiigsiga 2016, xukuumadu waxay meel marisay hidisyo sharciyeed la xiriira hiigsigaasi, waxaan diyaarinay ilaa 23 hindise Sharciyeed oo isugu jira magacaabidda gudiyada madaxa banaan”

Wasiirka ayaa sheegay in maanta wasiirada ay ansixiyeen Hindise sharciyeedka xuduudaha iyo Federaalka oo horay usoo bandhigtay wasaaradda arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya, iyo sidoo kale in la meel mariyay hindise sharciyeedka Doorashooyinka.

Wasiir Ridwaan ayaa sheegay in shirka maanta sidoo kale xooga lagu saaray arinta miisaaniyadda 2015-ka, ayna golaha wasiirada ansixiyeen, iyadoo baarlamaanka la horgeyn doono.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa inta kulanka uu socday hadal kooban oo u jeediyay wasiirada waxa uu ugu sheegay in aysan caqabad ku noqon shaqada ay bulshada u hayaan, khilaafka xilligaan jira.

Kulanka maanta ee golaha wasiirada ayaa ahaa mid ka duwan kuwii hore, waxaa fadhiga ka maqnaa wasiiro, wasiiro ku xigeen iyo wasiiro dowlayaal, waxaana jira in xubnaha maqan badi ay ra’iisul wasaaraha usoo gudbiyeen qoraal ah in uu is casilo.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News