U bood dhigaalka

Golaha Wasiirada Oo Meelmariyay Xeerka Diiwaangelinta Shidaalka

Sheeko:Dalka

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed ayaa Khamiistii oo taariikhdu ahayd 14ka Janaayo 2016 ansixiyey Xeerka Diiwaangelinta Shidaalka.

Ujeeddada loo abuuray xeerkani waxay tahay sidii macluumaadka khuseeya heshiisyadii iyo wixii la mid ah ee ay shirkaduhu horey u haysteen loo diiwaangelin lahaa si loogu aqoonsado xaqa ay u leeyihiin inay ka fuliyaan howlaha la xiriira shidaalka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JRS).

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dawladda Federaalka Soomaaliyeed waxaa ka maqan nuqalidii heshiisyadii hore loola galay shirkadaha shidaalka ee xaqa u siinaya in ay ka howl galaan JRS. Si loo aruuriyo xogta lagama maarmaanka u ah maamulidda heshiisyadaas, ayaa waxaa Golaha Wasiirada ay ansixiyeenna Xeerka Diiwaangelinta Shidaalka taasoo ay maamulayso Wasaaradda Batroolka and Macdanta.

Dawladuhu badanaa waxay u isticmaalaan Diiwaangelinta Shidaalka maamulidda arimaha shidaalka. Si loo helo mustaqbalka xasilooni dhanka shidaalka Soomaaliya waxaa muhiim ah in la aruuriyo macluumaadka shirkadaha xaqa u leh inay ka fuliyaan hawlo shidaal dhulka JFS.

Shirkadaha waxaa sida ugu dhaqsiyaha badan looga codsan doonaa inay soo gudbiyaan cadeymaha muujinaya xaqooqda shidaal ee ay lee yihiin.

Dhamaad