U bood dhigaalka

Golaha Wasiirada Oo Yeeshay Kulan Looga Hadlayey Ammaanka

Sheeko:Amniga

Golaha Wasiirrada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay Muqdisho ku yeesheen Kulan aan caadi ahayn oo looga hadlay xaaladda amniga dalka.

Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa warbixin looga dhagaystay guddiga amniga ee dhawaan uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre u magacaabay in ay kasoo talo bixiyaan qorshaha sugidda amniga Caasimadda.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay heshiiska Caymiska ee ay wada galeen dawladda Soomaaliya iyo Hay’adda Damaanadda Darafyada Badan (MIGA).