U bood dhigaalka

Golaha Wasiiradda oo Go’aan Kasoo Saaray Shirkado Degen Garoonka Aadan Cadde

Sheeko:Dalka

X19Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke, kulanka ayaa looga hadlay barlamaanka Jubaland, Qaxootiga Yemen, Tala soo jeedin ku aadan shirkadaha degan Garoonka Diyaaradaha Aden Cade iyo Midaynta Qorshaha Qaranka.

Ugu horayntii golaha wasiirada ayaa ka dooday baarlamaanka cusub ee Jubaland, iyagoo tixgalinaya cabashoyinka ay muujinayaan qaar ka mid ah dadka deegaanka, waxaana goluhu uu go’aamiyey:

• Goluhu wuxu isku raacay in la saaro gudi dib u eegis ku sameeya cabashooyinka ka soo yeeraya Barlamaanka cusub ee Jubaland, gudigaasi waxaa uu daraasad ku samayn doonaa waxa dadku ay tabanayaan, kadibna wuxuu ku soo celinayaa golaha wasiiradda.

• Gudigan wuxuu la fariisan doono cid kasta oo ay khusayso arrimahaan, wuxuuna soo gudbin doonaa talooyin ku aadan sida ugu haboon ee xal midaysan looga gaari karo cabashooyinkaas.

Sidoo kale golaha wasiirada iyagoo ka jawaabaya dhibaatooyinka haysta qaxootiga ku dhaqan dalka Yemen, waxaa goluhu go’aamiyey in xubin kasta oo golaha ka mid ah uu ku tabaruco lacag gaaraysa 1,000 doolar, dhaqaalahaasna waxaa maamuli doona gudigii ku howlan gurmadka loo fidinayo qaxootiyada ka soo cararaya Yeman, waxaana dhaqaalaha ururintiisa loo xilsaaray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka mudane Maxamed Cumar Carte.

Dhanka kale Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada, ayaa golaha uga warbixiyey shirkadaha ka howl gala gudaha garoonka diyaaradaha Aden Cade, kuwaas oo qaarkood ay samaysteen deegaamo, halka qaarna ay degeen goobo ay leeyhiin wasaaradaha qaarkood, dood dheer kadib golaha wasiirada ayaa isku raacay qodobada hoos ku qoran:

• Si loo waafajiyo nidaamka Hay’adda Caalamiga ee Duulimaadka Rayidka (ICAO) waa in laga fujiyo siliga ku wareegsan meesha diyaaraduhu ka soo caga dhigtaan ama ka duulaan.
• Waxaa goluhu farayaa wasaardadaha ku shaqada leh, in shirkadaha degan xayndaabka garoonka laga qaado kirada dhulka ay ku shaqeystaan iyadoo laga soo bilaabayo waqtiga ay deggeen.
• Goluhu wuxuu farayaa wasaardaha ku shaqda leh in dib u eegis lagu sameeyo amniga garoonka diyaaradaha iyo agagaarkiisa, wuxuuna si gaar ah u farayaa in deg deg wax looga qabto wixii amni xumo keenaya.
• Goluhu wuxuu farayaa Wasaardaha Maaliyadda iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha inay wixii khidmad canshuur ah oo ku waajibtay shirkadahaas intii ay daganaayeen gegida, in si deg deg ah loga soo xereeyo.

Ugu danbayntii golaha wasiirada ayaa warbixin ka dhagasytay wasiir ku xigeenka qorshaynta oo ay wasaaradiisu wado barnaamijka Midaynta Qorshaha Qaranka, waxaana ka mid ah qorshahaas in ( New Deal) uu noqdo qorshe qaran oo dowladu hogaaminayso, iyadoo laga duulayo baahida shacabka, wasaaraduhuna waxay soo gudbinayaan baahiyahooda si ay ula jaan qaadaan, waxaana qorshaan qayb ka noqon doono bulshada rayidka, dhalinyarada iyo maamulada ka jira dalka.

Goobjoog News