Golaha Wasiirrada Oo Xilka Ka Qaadey Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka, Akhriso Jawaabta Uu Ka Bixiyay

Golaha Wasiirrada kulankoodii Khamiista waxaa ay sheegeen in uu socdo baaritaan la xiriira dilkii Wasiir Cabbaas Siraaje, illaa iyo haddana 3 qof loo qabtay.

Wasiirrada waxaa ay sheegeen in iyaga oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ballan qaadayna in wax allaale iyo waxii suurtogelinaya in baarista la soo dhameystiro ayaa waxey go’aansadeen oo si wadar-oggol ah ugu coddeeyeen in xilkii laga qaado Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka, iyadoo xilka uu si ku-meel gaar ah u sii heynayo Kuxigeenka Hanti-Dhowrka Guud.

Tillaabadaasi kadib, Dr. Faarax Nuur Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in golaha wasiirrada aaney awood u laheyn in ay xilka ka qaadaan, sidaana ay sameyn karaan oo keliya baarlamaanka federaalka ah.

Dilka Wasiirka waxaa lagu eedeeyay ciidamo ilaalo u ah hanti-dhowraha qaranka, waxaana dalka ka bilowday loolan dastuuri ah oo ku saabsan cidda xil ka qaadeysa cidda kale.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW