U bood dhigaalka

Gollaha Iskaashiga Oo U Jawaabay Waare

Sheeko:Dalka

War qoraal ah oo ka soo baxay gollaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa lagaga hadlay warkii maanta saxaafadda uu Muqdisho ugu sheegay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Madaxda dowladaha kale ah Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa qoraalkani soo saaray.

Mawqifka  GIDG  ee  Warmurtiyeedka  ku  taariikhaysan  19/09/2018  ee  ka  soo  baxay  Dawlad  Goboleedka  Soomaaliyeed  ee  Hirshabeelle.

  1.   Goluhu  wuxuu  si  buuxda  u  garawsan  yahay  in  ay  Dawlad  Goboleedka  Hirshabeelle  u  madax-­bannaan  tahay  ka tashiga tashiga  iyo  go’aan  ka  gaaridda  masiirka  dawladdeeda  iyo  kan  umaddeeda.
  2.   Goluhu   wuxuu   mar   kale   halkan   ku   caddaynayaa   in   is-­afgaran-­waaga   ka   dhexeeya   GIDG   iyo   Dawladda  Federaalka  ahi  uu  yahay  mid  guud  oo  ku  saabsan  qaddiyado  waaweyn  oo  ku  tacalluqa

Amniga  Guud  ee  Qaranka,  Federaalaynta  Dalka,  Dhawridda,  Dib-­‐u-­Eegidda  iyo  Hirgelinta  Dastuurka    Soomaaliyeed,  Khayraad/Awood  Qaybsiga,  Hannaanka  Caddaaladda  iyo  kuwo  kale  oo  la  xiriira.

  1.   Heshiiska”  ay  Hirshabeelle  la  gashay  Dawladda  Federaalka  ahi  aanu  khusayn  Golaha  maadaama  ay  qaddiyadaha  kor  ku  xusan  ee  uu  muranku  ka taagan yahay dhammaantood ay yihiin  kuwo  heer  qaran  ah  oo  ay  lagama  maarmaan  tahay  in  xal  wadareed  wadahadal  ku  yimid  lagu  dhameeyo.

 

  1.   Heshiiska   Hirshabelle   ay   la   gashey   Dowlada   dhexe     waxba   kama   badali   doonto   Mowqifkii   iyo  go’aamadii     Golaha   ee   ku   qeexnaa   Warmurtiyeedyadii   Golaha   ee   soo   baxay   8   iyo   14   bishan

Sabtember  2018  waxaana  badali  kara  oo  kali  ah  heshiis  labada  dhiac  ka  gaaraan  arrimaha  la  isku

hayo.

  1.   Goluhu  wuxuu  Madaxda  Sare  ee  Dawladda  Federaalka  ah  ee  Soomaaliya  mar  kale  ku  boorrinayaa  in  ay  si  dhab  ah  oo  waayeelnimo  leh  ugu  soo  jeestaan  xallinta  qaddiyadaha  taagan.
  2.   Ugu  dambayn,  Goluhu  wuxuu  u  arkaa  in  wadaxaajood  dhab  ahi  uu  yahay  dariiqa  kaliya  ee  furan  ee  lagu  gaari  karo  jawi siyaasadeed  deggan  oo  suuraggeliya  in  lagu  guuleysto  sugidda  amniga  iyosoo celinta  karaamada  umadda  Soomaaliyeed.

——————– Dhammaad ————————–

Goobjoog News