U bood dhigaalka

Goobjoog FM: 4 Sano Oo Shaqo Xowli Ah Iyo Horumar Hor Leh

Sheeko:Dalka

Raadiyaha Goobjoog waxaa uu u dabaaldegay sanad guuradii 4-aad markii ugu horeysay ee dadweynaha Soomaaliyeed ay maqleeen  “Halkani waa Goobjoog FM”.

4 sano kadib, Goobjoog waxaa ay hawada soo gelineysaa Goobjoog TV, Goobjoog Business FM, Waxaa kaloo Goobjoog Media group hoos taga Maandeeq oo Idaacad waxbarasho ah iyo Gool FM oo ku taqasustay Ciyaaraha dalka.

Goobjoog FM mudadii ay jirtay waxay xooga saartaa Warka, 24/7 ah, Waxayna leenahay sadex Barnaamij wareed oo midkiiba socdo 2 Saac.

Goobjoog FM waxaa ay mar hore ku baraagrugtay ahmiyadda fariimaha degdeg ah ee Mobillada lagu diro, iyadoo noqotay Idaacaddii ugu horeysay ee adeegaas ka fulisa Muqdisho.

Waxaa intaa dheer war saacad walba horteeda ah iyo wararka Webka lagu qoro afafka Soomaaliga, Ingiriiska iyo web Sports-oo ku qoran luuqada Soomaaliga.

Barnaamijyada Idaacadda:

Idaacadda waxaa ka baxo barnaamijyo wax badan ka badalay nolosha dhageystayaasha, waxaa jiro barnaamij la hadla Naafada, Cabasho oo dadka ay dhibkooda ku sheegtaan, weydii guddoomiye oo shacabka iyo madaxda isku arkaan, waxaa intaa dheer doodo aan ku casuunno Madaxda iyo bulshada rayidka ah.

Tartamada Goobjoog News

Goobjoog waxaa ay qabataa tartanno qiimo badan oo wax badan ka badala nolosha iyo fikirka dadka Soomaalida

Shirkadaha iyo Jaamacadaha dalka ayaa si weyn gacan uga geysta taabogelinta tartannada ay qabato Goobjoog FM.

Tartanka Kedis

  1. Tartanka kedis oo bilowday 5-10-2012 ayna iska kaashanayeen FPENs iyo Goobjoog FM ayaa waxaa dhamaadka tartanka lagu bixiyay abaal marin lasiiyay shanta iskuul ee ugu sareysay waxa ayna gaareysay $5000 oo dolar waxaana loo bixiyay qalab ahaan. Iskuulada ku tartamay ayaa gaarayay 44 iskuul oo dugsiyo sare ah.
  2. Tartan ka Kedis oo bilowday 06-12-2013 ayaa waxaa iska kaa shanay Juba express iyo Goobjoog FM waxaana ku tartamay iskuulo tiradoodu aheyd 56 iskuul oo ka koobnaa iskuulada dugsiyada sare ee Gobolka Banaadir waxana la abaal mariyay shanta iskuul ee ugu sareysay waxaana ku baxday lacag dhan 13,000 oo dolar.
  3. Tartanka kedis oo laqabtay sanadkii sadexaad waxaa iska kaashanaya City University iyo Goobjoog FM waxa uuna bilowday 06-11-2014  ka qeyb galayaasha ayaa gaaraya 58 iskuul oo dugsi sare ah oo ka howl gala gobolka Banaadir, waxaana la abaal marin doonaa sadexda iskuul ee ugu sareysa.
  4. Kedis, Sanadkan 2016-ka, waxaa ka qeyb galay 64 dugsi, Waxaa ku guuleystay Al-Manaar, SIMAD ayaa taabo galisay.

Tartan Faneedka

Goobjoog FM waxay qabatay tartan faneed dhex maray hal abuurayasha dada yar waxyna ku tartamayeen hal abuurka kaa oo ku saabsanaa waxbarashada waxanaana ka soo qeyb galay tartamayaal gaarayay 48 hal’abuure kuwaa oo ka kala socday degmooyinka gobolka Banaadir waxanaa la abaal mariyay 3 qof ee ugu currinta wanaagsanaa waxaana garsoorayaal  ka ahaa abaawaano ay hogaaminayeen abwaan Cabdi Dhuux iyo Abwaan Cabdirisaq Aaqiro. 

Tartanka Quran ka

Goobjoog FM waxay qabatay tartan quraaneed loo qabtay arday xaafidiinta quraanka oo ka koobnaa labo koox: wiilal iyo koox Gabdho ah waxaana ka qeyb gashay arday gaareysay 220 adray waxaana ku baxday lacag dhan 23000 oo doolar waxaana la abaal mariyay 5 qof ee koox walba ugu sareysay halka 10 qof ee ku xigtana la gudoonsiiyay shahaadooyin iyo qalab. 

Bisha Ramadan

Goobjoog waxay qabatay tartan aqooneed bisha ramadaan oo ay u qabatay iskuulada ku yaala muqdisho waxaana ka soo qeyb galay 22 iskuul waxayna ku bixisay abaal marin gaareysa 3000 oo dolar.  Waxa uuna dhacay 16-07-2013. 

2016: Sanadkan waxaa tartan qur’aan akhris u qabanay ilaa 130 ardey oo u ahaa Agoos iyo danyar, tartankan oo socodan bishii tagtay ee Ramadaan waxaa ugu dambeyn ku guuleystay Yonis Cabdiraxmaan Cumar, waxaa taabogelisay Bangiga IBS. 

Meelaha Nagala Dhageysto:

Waaxaha ay ka kooban tahay Idaacadda, Idaacadda waxaa laga dhageystaa gobollada Banaadir, Labo Shabeelle, Hiiraan, Galmudug iyo qeybo ka mid ah Puntland.

Caalamka waxaa laga dhageystaa Live stream iyo Satellite-ka.

Goobjoog waxaa ay leedahay  Web ay akhristayaal ku tixan yihiin, www.wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com waxaa jiro Web Ingiriis ah iyo Mid Sporti ah. 

Goobjoog Digital: 

Websites: goobjoognews, shaqodoon, sport,

News alert; News alert:  halka news alert ay u howl galisay bisha Tobnaad 2014

SMS Bridge: waxayna u sameysay wadooyin badan oo ay kaga heli karaan warbixinada iyo wararka waxaana ka mid ahaa hirgalinta lamberka gaaban Short code  05-7-2014.Mobile app

  1. Steam line
  2. Satellite
  3. Social Media

Facebook:

goobjoogfm88.5

goobjoognews

goobjoogbusiness

Twitter

Goobjoognews

Goobjoogbusiness

Sound cloud

Goobjoog

Youtube

Goobjoog

Flicker

Goob.joog

Google+ 

Suuq-geynta:

Waaxda Marketinka, waa qeyb kale oo muhiim ah, Wax badan ayaa lagu guuleystay, arintan qoraalkeeda waa lagu guuleystay. 

Web : oo ah in webka idaacadda kasoo laga daalacan karo dhammaan caalamka lagu xaeyeysiiyo badeegyada iyo badeecooyinka ganacsatada.

Xayeysiinta Raadiya : Goobjoog FM waxay ganacsatada ugu gaarsiisii macaamiishooda adeegyada iyo bedeecooyinka ay u hayaan idaacad ahaan iyada oo ay u sameynayaan xayeysiimahooda shaqaale ku xeeldheer samynta una leh aqoon qancinta macaamiilka.

Xafiiska suuqgeynta ee Goobjoog FM waxaa uu qabtaa qaabab kala duwan oo xayeysiineed waxaana ka mid ah:

(Mobil:  taasoo macnaheedu yahay in ganacsatadii dooneysa aan ganacsigooda ugu xayeysiino farriimo aan ku direyno Mobilada weliba si fudud taaso qofku uu islamarkii dareemi karo in farriinta u soo dhacday ay tahay mid lagu xayeysiinayo shirkad ganacsi.

Radio advertisement: Goobjoog FM waxay ganacsatada ugu gaarsiisii macaamiishooda adeegyada iyo bedeecooyinka ay u hayaan idaacad ahaan iyada oo ay u sameynayaan xayeysiimahooda shaqaale ku xeeldheer samynta una leh aqoon qancinta macaamiilka.

Bile Board: oo ah inaan boorar xayeysiis ah kuugu dhajino goobaha ugu caansan magaalada Muqdisho oo islamarkiiba la arki karo adeega aad uheyso bulshada.

Schoralship: Idaacadda Goobjoog News waxaa ay sidoo kale bixisay deeq waxbarsho, Caruur gaareysa 28 arday, oo Waxbarsho u helay.

Caawinta ardada jaamacada 

Axmad sharif Ibrahim waxa uu ahaa arday diyaarinayay PHD jaamacada CITY University ee kutaala Newyork, waxa uuna cilmi baaris ka sameynayay sharciga iyo dowlad Somalia waxa uu tixraac ka dhigtay barnaamijka waayo arag oo ka hadla taariikhda iyo maamuladii soomaray soomaaliya.

Peter James Chonka waa arday u sharaxnaa shahaadada PHD waxa uuna ka diyaarinayay Jaamacadda EDINBURGH ee dalka Britain waxa uuna tixraacyadiisa ka mid ah Goobjoog News.

Gurmad iyo Gargaar:

Goobjoog waxaa ay hormuud ka aheyd gargaarkii loo fidiyay qaxootiga ku go’doomay dalka Yemen, Goobjoog waxaa ay hawada u furtay dadka ku deeqa lacaga, shacab iyo dowladba waa laga qeybqaatay.

Goobjoog waxaa ay sidoo kale weriyeyaal u dirtay Yemen si warar joogta ah looga helo, ilaa markii dambe dadkii la soo daadgureeyay.

Gurmadka Abaaraha: Sanadkii tagay waxyaabaha ay Idaacadda ay qabatay waxaa sidoo kale ka mid ahaa Barnaamijyo ay bilowday ee Gurmadka Abaarihii ka dhacay Waqooyiga dalka, guddiga abaaraha dalka waxaa ay Idaacadda  u sheegeen in Goobjoog haddii ay bilowdo olelehaas uu noqon doono mid guul ah, sidaas ayaan isugu wacnay una bilowday, waxaana soo xarootay lacagtii ugu badneyd.

Dhireyna Waddooyinka Laamiga: Goobjoog FM waxaa ay bilowday mashruuc lagu dhireynayo jidka Maka Al-Mukarama oo ah wadada ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho, Mashruucan oo ay wadaan ubaxa, waxaa gacanta ugu weyn ka geysnaya Goobjoog Media Group.

Ugu Dambentii, waxaa jiro hey’ado badan oo Goobjoog siiyay abaalmarinno iyo shahaadooyin lagu aqoonsanayo waxtarka Idaacadda. 

Abaalmarinada ay heshay Goobjoog News 

July 2012: Shahaado Sharaf, Gudiga Olypicada Degmada wadajir

August 2013: Shahaado Sharaf, Himilo Relief Development association

October 203: Shahaado Sharaf, Xiriirka soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga

October 2013: Shahaado Sharaf, Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Kolayga.

February 2014: Shahaado Sharaf, Naadiga Ha-abuurka iyo Qalinmaalka Soomaaliyeed

April 2014: Shahaado Sharaf, Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta

April 2014: Shahaado Sharaf, Jimciyadda Asal ee midowga ardayda.

June 2014: Shahaado Sharaf , International Olympic Committee,

June 2014: Shahaado Sharaf, Xiriirka soomaaliyeed ee kubadda Kolayga.

August 2014: Shahaado Sharaf, Gudiga Sportiga Degmada wadajir.

August 2014: Shahaado Sharaf,  Gobolka Banaadir.

December 2014: Shahaaado Sharaf, Midowga Naafada.

December 2014: Shahaado Sharaf Xiriirka Soomaaliyee ee Ciyaaraha fudud

April 2015: Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga

2015: Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta

2015: Hey’adda Saacid

2015: Iskuulka Umul Qura.

2015: Ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed.

2016: IAAF, Internationla association of athletes federation

2016: Xiriirka Kubadda Kolayga

2016: Gobolka Baadir

2016: Kooxda Banaadir.

Astaanteennu waa “U Daacad Ah Dadweynaha”