U bood dhigaalka

Goobjoog iyo Xogta Dhimashada iyo Dhaawaca Isbitaallada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa weli isa soo taraya kororka dhimashada iyo dhaawaca guud ahaan dadkii ku waxyeeloobey qarax maanta ka dhacay Ex-Control, Afgooye.

Weriyeyaasha Goobjoog News ayaa tagay qaar ka mid ah Isbitaallada magaalada Muqdisho si loo ogaado khasaaraha rasmiga ee ka dhashay qaraxa.

Inta badan maamulka iyo shaqaalaha Isbitaallada Muqdisho ayaa si wacan u qaabilay, xogna la wadaagay warfidiyeenka Goobjoog marka laga reebo maamulka isbitaalka Shaafi oo diiday iney sheegayaan dadka la soo gaarsiiyey,  kuna sheegay mid sir ah.

Ilaa hadda xogta aan heyno waa sidan:

1. Isbitaal Madiina: Dhimasho waxaa ay noogu sheegeen ilaa 73 qof halka dhaawacu uu yahay 53 qof.

2. Isbitaalka Kalkaal waxaa ay noo xaqiijiyeen in la soo gaarsiiyey ilaa 11 qof oo dhaawac ah.

3. Isbitaalka Somali Sudanes: waxaa ay sheegeen in la keenay hal meyd ah iyo  19 qof oo dhaawac ah, oo 4 halis tahay.

4. Dhankooda Isbitaalka Digfeer waxaa ay sheegeen in la keenay 4 Dhimasho iyo 37 dhaawac.

5. Isbitaalka Daarul Shifa waxaa ay xaqiijiyeen ilaa  5 dhaawac in la gaarsiiyey.

Inkasta oo aan weli sii wadno baarista khasaaraha laakin si horudhac waxaan ogaannay in tirada dhimashadu ay gaartay 78 qof  iyo dhaawaca oo ah 125 qof.

Waxaa  kale oo jira khasaare maaliyadeed oo ka dhashay goobta iyadana waxaan ku soo gudbin-doonnaa wararka dambe.

Dowladda federaalka ah ayaa khasaaraha dadka ku sheegay keliya dhimasho 26 qof iyo dhaawac 60 qof, waxaa kale oo jira muuqaal ay Goobjoog News heyso balse aaney baahin oo mas’uulka ugu sareeya booliiska dalka uu ku leeyahay duqa Muqdisho Cumar Filish“Ha sheegin dhimashada iyo dhaawaca”!

Goobjoog News