Goobjoog Media Group Oo Ka Digeysa Website Lagu Sumcad Dilayo Shirkadda
Sheeko:Dalka
Goobjoog Media Group oo ilaalineysa kalsoonida ay ku qabaan bulshada, waxaa ay uga digeysaa shacabka Soomaaliyeed Website la magac baxay Goobjoogbusiness.com oo si sharci darro ah hawada ku soo galay.
Webkan oo wata magaca Idaacaddeena ganacsiga waxaa iska leh shakhsiyaad ka faa’ideysanaya sumcadda Goobjoog, oo doonaya in sharafta iyo magaca ka dilaan warbaahintan.
Goobjoog Media Group waxaa ay bilowday tillaabooyin sharciga lagula tiigsanaayo shakhsiyaadkaas, inta howshaasi socoto, Warbaahinta Goobjoog Media Group mas’uul kama ah wax alle wixii lagu soo daabaco boggaasi.
FG: Idaacadda Ganacsiga ee Goobjoog waxay wararkeeda ku qortaa wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/business.
Goobjoog, Marwalba u Daacad Ah Dadweynaha
Goobjoog News