U bood dhigaalka

Goobjoog oo ka Cabanaysa Xadgudub ay Kala kulmaan Wasiir Khadijo Diiriye Iyo Guddoomiye Cabdiqani Carab

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta ee Soomaaliya Cabdiqani Siciid  Carab oo shir jaraa’id qabtay khamiistii 9-ka bishan ayaa sheegay in iyada oo la fulinayo go’aan hore oo ay wasaaradda cayaaraha ka qaadatay Goobjoog Media Group, laga mamnuucay hawlaha cayaaraha dalka isaga oo yiri “Waxaa muhiim ah innaga oo tixgelineyna haddii aan nahay xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta wareegtadii horay uga soo baxday wasiirka wasaaradda cayaaraha shaqo joojin lagu sameeyey bahda Goobjoog Group oo ahayd in garoomada ay wasaaradda ka hakisay, kubbadda cagta iyo garoomada kalaba xiriirka waxaa uu fulinayaa wareegtada wasaaradda”.

Amarka wasaaradda cayaaraha ee garoomada loogu diiday wariyaasha Goobjoog oo ay soo-saartay wasiirka wasaaradda Khadiijo Diiriye bishii August 2019 laguma sheegin sababta, sidoo kale war-saxaafadeedkii khamiista ee xiriirka kubbadda cagtana isgana laguma sheegin sababta.

Arrinkaan Goobjoog waxay u aragtay mid meel kaga dhacaya shuruucda dalka, xadgudubna ku ah xorriyadda hadalka, laguna hor istaagayo helidda xogta dadweynaha, uuna yahay cabburin warbaahinta madaxabannaan ka dhan ah.

Cadaadiska ay wasiir Khadiijo Diiriye ku hayso Goobjoog Media Group ma aha wax cusub, oo sannad ka badan ayuu jiray, iyada oo jagada wasiirnimada uga faa’iideysatay inay meel fagaare ah ku hor istaagto shaqaalaha Goobjoog inay gutaan hawlahooda warbaahineed, hor istaagidda shaqada wariyaasha kaliya kama dhicin garoomada cayaaraha waxay amar ku siisay in qofkii la hadla wariye ka tirsan Goobjoog uu weyn doono wadashaqeynta wasaaradda. Sidoo kale  mas’uuliyiinta xiriirrada cayaaraha waxa ay ku qasbanaadeen inay faafreebaan warbaahinta imaaneysa goobaha ay kaga qeyb galayaan dhacdooyinka cayaaraha iyaga oo ka bartilmaameysanaya weriyihi ay wasiir Khadiijo ugu far fiiqdo.

Go’aanka wasiir Khadiijo Diiriye ay ku soo-saartay warqadda loogu mamnuucayo shaqaalaha Gooboog  gelidda xarunta wasaaradda iyo tebinta ciyaaraha garoomada waxa ay salka ku haysaa  dano shakhsiyeed iyo kutakrifal awood xafiis. Waxaa arrintan cadayn horudhac ah u tahay in wasiir khadijo aysan awoodin in ay haya’adaha dawlada la wadaagto eedeymaha Goobjoog si la mid ah sida ay amarkutaagleynteeda ula wadaagtay xiriirada ciyaaraha.

Sooyaalka ku xad-gudubka iyo Cabburinta Wasiir Khadiija Diiriye ay ku hayso shaqada saxaafadeed ee Goobjoog iyo shaqaalaheeda:

June 16, 2019: Waa markii ugu horeysay ee Wasiir Khadiijo Diiriye ay soo qortay in Gool oo ka tirsan Goobjoog Media aaney tagi karin garoomada, kana qeyb geli karin hawlaha sportiga dalka.

August, 08, 2019: Wasiir Khadiija Diiriye ayaa soo-saartay amar garoomada cayaaraha looga mamnuucayo shaqaalaha Goobjoog Media Group

September 12, 2019: Waxaa ay wasiir Khadiijo soo ceyrisay weriyeyaal Goobjoog oo doonayey inay tebiyaan tartanka degmooyinka gobolka Banaadir.

December 18, 31-2019: Waxaa Goobjoog loo diiday inay tebiso cayaaraha isdhexgalka oo ay ka qeyb galayeen dhallinyaro ka timid Yurub.

 April 09, 2020: Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta ee Soomaaliya Cabdiqani Siciid Carab ayaa sheegay in Goobjoog aanay tagi karin garoomaha sabab la’aan.

Marka laga soo tago cabburinta iyo caga jugleynta joogtada ah ee Goobjoog la kulanto, waxay wasiir Khadiijo cabsi gelin iyo tifaftir ku haysaa warbaahinta kale ee cayaaraha ee dalka.

Haddaba, Goobjoog Media Group waxay wasaaradda cayaaraha ka dalbaneysaa inay caddeyso sida ugu dhaqsiyaha badan sababta ay u bartilmaameedsatay Goobjoog Media Group.

Goobjoog News

Mawduucyada:Banaadir