U bood dhigaalka

Goobjoog Oo Ogaatay Nooca Doorasho Ee Soomaaliya Ka Dhaceysa 2020-ka

Sheeko:Dalka

Iyada oo bulshada Soomaaliyeed ay dhagaha u taageyso nooca doorasho ee dalka ka dhici-doonta 2020-ka iyo shirka 28-ka ka bishan ka dhici-doona magaalada Baydhabo ee lagu shaacin-doono nooca doorasho ee lagu heshiiyay ayey Goobjoog News si horudhac ah u ogaatay nooca doorasho.

Kadib, wada-tashi muddo dheer qaatay oo madaxda dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada ay qeyb ka yihiin iyo guddiyo kala duwan oo arrinkan loo saaray waxaa ay talo isugu soo biyo-shubatay in nooca ugu habboon ee Soomaaliya doorasho ku geli-karto 2020-ka uu noqon-doono Nidaamka PR ama proportional representation.

Nidaamkan waxaa la sheegayaa in uu ku wanaagsan yahay arrimo badan oo Soomaalida muhiim u ah sida: Saami qeybsi, Metelaada dadka laga tirada badanyahay iyo Dumarka oo ay u fududaato in la doorto.

Hadaba, Noocan doorasho ee Nidaamka PR ama proportional representation muxuu ku wanaagsan yahay muxeysa  ku xun tahay, Faah-faahinta daqiiqado kadib kala soco, Goobjoog News.

Goobjoog News