U bood dhigaalka

Goobjoog Oo Seddax Sano Jirsatay Iyo Wax Qabadkeeda Sanadkii Tagay

Sheeko:Dalka

Maanta oo ay ku beegan tahay 14-ka July waxa ay Goobjoog News u dabaal dagaysaa Sanadguuradeedii Sadaxaad, iyadoo aynu halkaan idiin kugu soo gudbineyno wax qabadka Idaacadda.

Goobjoog News, waxay xooga saartaa Warka, 24/7 ah, Waxayna leedahay Seddex Barnaamij wareed oo midkiiba socdo 2 Saac, Waxaa intaa dheer warka saacadda iyo wararka Webka lagu qoro afafka Soomaaliga, Ingiriiska iyo web Sports-oo ku qoran luuqada Soomaaliga.

Goobjoog News ayaa isku dayday in ay daboosho sanadka baahida dadweynaha ee helista xogta wararka.

Goobjoog News waxay ku guuleystay sanadkan in ay hogaanka u qabato soo gudbinta wararka degdega ah ee xaqiiqda ku saleysan, iyadoo marka laga soo tago dhageystayaasha Idaacadda iyo kuwa ku xiran webka ay xogta iyo wararka ugu gudbiso fariimaha Mobilka gacanta News alert waana idaacadii ugu horeysay ee bolowday News alert.

Goobjoog News waxa ay daaha ka qaaday dhacdooyin dadka daahsoonaa iyadoo kusoo jeedisay indhaha bulshada taas oo keentay in la helo jawaabo iyo waxqabad degdeg ah.

Waxaana ka mid ahaa dhacdooyinkaa iyo wareysiyada gaarka ahaa

Shaqo la’aanta muwaadinka Soomaaliyeed

Bakool:  Goobjoog News waxaa ay ku guuleysatay in ay soo bandhigto xaalado adag oo ka jirtay gobolka Bakool gaar ahaan Tiyeglow, iyadoo sheyga hal dooral Muqdishu ka joogay uu Tiyeglow ka ahaa Shan dollar, Goobjoog markii arintaas soo bandhigtay waxaa markiiba lagu dhaqaaqay gargaar iyo in dadkaas loo gurmado.

Garoonka Aadan xaaji yabarow wish: Garoonka Aadan xaaji yabarow wish Ex istatiyo luujino xili habeen ah.”Dhowr iyo labaatan sano kadib waxa ka bilaabatay in Garoonka ciyaar ka dhacaan xili habeen ah Goobjoog news iyada oo ciyaareysa kaalinta ay ku leedahay Ciyaaraha dalka waxay tabisay joogteysayna la socodka xaalada iyo ciyaaraha ka dhacaya xilliga habeenka ah.

Barnaamijyada Idaacadda

Goobjoog news shaqadeedu kuma ekeyn iney tabiso wararka hase ahaatee waxay sanadkaan xooga saartay barnaamijyo ay uga hadleysay dhinacyada kala duwan ee nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan arimaha bulshada dhaqaalaha iyo siyaasadda

Barnaamijka naafada waa barnaamij gaar u ah, Goobjoog News kana hadla Naafada, waxaana soo saare ka ah Cabdifitax Xasan Axmad oo ah wariye araga la, Barnaamijkan oo helay Abaalmarin, waa barnaamij ka baxa Goobjoog News todobaadkiiba labo jeer.

Ujeedada barnaamijka naafada ayaa ah:

  1. Awoodsiinta Naafada
  2. Kor u qaadista Kaalinta Naafada
  3. In Naafada ay bulshada ka dhex muuqdaan
  4. Waxaa looga hadlaa noloshooda
  5. Dhanka Caafimaadka, Waxbarashada, Shaqada iyo dhamaan hor-umarka naafada.

Barnaamijkan Cabasho waa barnaamij dadweynaha u suura geliya iney soo gudbiyaan dhacdooyinka ka hor imaanaya horminta dadlka ka dibna Goobjoog ay wax ka weydiiso madaxda deegaankaas si ay u fududaato wadshaqeynta maamulka deegaanka iyo daganaayaasha deegaankaas.

Barnaamijka waxaa uu ku guuleystay in uu qeyb weyne ka qaato qaadista Isbaarootin badan oo yaalay wadada u dhaxeysa Muqdishu iyo Afgooye, taas oo ku timid cabashooyin is daba joog ah oo Goobjoog baahisay kuna baxay barnaamijka cabashada dadweyna iyo warbixin ay wariyaasha Goobjoog ka sameeyeen socdaal ay ku mareen wadada iyaga oo matalayay darawaliin iyo raacayna gawaarida dadweyna si ay u ogaadaan wax aka jira oo dhabta ah.

Degmada Dayniile ayay Goobjoog u kuur gashay iney ogaato dhac iyo boob ka jiray xiliga habeen ka, taasina waxay sababtay in ay maamulka gobolka ay xil iska saaraan ayna dadweynihii heleen nabad iyo xasilooni.

Tusaale cabshada dadweyna dhacdooyinkii uu la kulmay waxaa ka mid aheyd in haweeneey cabasho ay timid xarunta Goobjoog iyada oo ka cabaneysa in ninkeeda uusan siinin biil ama quutul yoomka maalintii. Halkaana ay talo bixin ka siiyeen shaqaalaha Goobjoog qaar ka mid ah

Qof ka Qof waa barnaamij siyaasadeed oo ka hadla siyaasada iyada oo dadka lagu wareyso ay yihiin dadka magaca ku leh siyaasada lagana wareysto aragtidooda siyaasadeed iyo mihnadoodo shaqo, waxa uuna wareystay barnaamijku dad badan magac ku leh siyaasada dalka waxaana ka mid ah Waziirka Beeraha Mudane Cabdi Axmed Baafo.

Golaha shacabka waa barnaamij gooni u ah baarlamaanka Soomaaliyeed oo ka hadla sharciyada dalka una suurtageliya dadweynaha la socodka hawlaha shaqo oo ay qabtaan xildhibaanada shacabka Soomaaliyeed.

Goobjoog news waxay barnaamij gaar ah u sameysay gabdhaha Barnaamijka dooda gabdhaha  waa barnamij looga hadlo arimaha gabdhaha hormarkooda dib u dhacooda wax yaabaha ay ka cabanayaan dhibaatooyinka ay muujinayaan ee u bahan wax ka qabashada, caqabadaha kajira dhanka gabdhaha ee u bahan in bananka loosoo bixiyo oo dadku ay ogaadaan si wax looga qabto, Ujeedaduna waa hormarinta gabdhaha soomaliyeed meel waliboo ay joogaan

Dooda gabdhaha Goobjoog FM waxa uu lahadlaa bulshada gaar ahaan gabdhaha kuwa kunool gudha muqdisho ,gobolada iyo guud ahaan caalamka.

Goobjoog news waxay barnaamij gaar u ah u hirgelisay qurba joogta soomaaliye waxayna ugu magac dartay Barnaamijka qurba joog waa barnamij looga hadlo arimaha quseeya qurba joogta soomaaliyeed waxa uu diirada saaraa qurba joogta dalka dib ugu soo laabanaya, ee dalka maalgashiyada kasameeyey, qurbajoogta kunool dalka dibadiisa noloshooda sida ay tahay, shaqooyinka ay qabtaan,sida soomalida loogala dhaqma dalal ka ay kunool yihiin

Barnaamijka qurbo joog waxa uu sameeyay hore u kac oo waxaa marti ku noqday dad badan oo magac ku dhex leh bulshada oo ay ka mid yihiin

Abuukar cawaale qaadiid oo u olaleeya ladagaalanka qaadka

Yaxye Cali Ibrahim hormuudka jaamacada SIU

Cabdulahi Nuur Cusmaan gudoomiyihii Hormuud Foundation.

Cabdi Baaruud Xariir gudoomiyaha qurba joogta soomaaliyeed.

Goobjoog news si ay u aruuriso taariikda dahabka ah ee dalka soomaaliya waxay sameysay barnamij gaar ah u ah taariikhda oo lagu magac daray Waaya Arag waa barnaamij taariikh ah oo ka hadla taariikhaha dalka waxa uuna xooga saaraa sidii loo xasuusin loona bari lahaa dadweynaha soomaaliyeed taariikhda dalka loona helihaa bundhig taariikheed ay u hirtaan dadweynaha soomaaliyeed.

Barnaamijka waxaa lagu wareystay dad caan ah oo bulshada magac ku dhex waxaana ka mid ahaa

 

  1. Admiral Farax Axmed Cumar Qarre
  2. Admiral Maxamed Maxamud Xayt
  3. Maxamed Faarax Ciise Gaashaan
  4. Colonel Cabdkarim Nur
  5. Dr. Cali Khalif Galeyr
  6. Jamac Cali Jamac
  7. Caasho Geele Diriye
  8. Maxamed Qalaf Shangole
  9. Jamac Maxamed Qalib.
  10. Maxamud Ciise Sangub

 

Goobjoog news waxay dhallinyarada u sameysay barnaamij gaar ah oo ay ugu magac dartay Baarlamaanka barbaarta waxuuna gooni u yahay dhallinyarada waxauuna mira dhalay ilaa waxa uu gaaray heer ay iska diiwaan galiyaan dhallinyaro kor u dhaafeysa 1000 ruux oo ay dadoodu u dhaxeyso 18-35 jir waxaa kale oo uu barnaamijku dhaliyay in dhallinyaro soomaaliyeed sameeyaan urur dhallinyaro oo lagu magacaabo Baarlamaaka Dhallinyarada Soomaaliyeed. Oo ka kooban 275 xubnood.

Barnaamijka Maxaa Lagu Heshiiyay: Waa Barnaamij soo jiitay Dhageystayaasha, sababtoo ah waxaa lagu daba galaa heshiisyada dhaca, waxa ka hir geliyay, iyadoo lagu tabiyay heshiisyo badan oo dalka ka dhacay iyo kuwo dibadda ah oo Soomaalida quseeya.

Daabacaadaha Goobjoog News

Goobjoog News waa ay leedahay qoraalo usoo baxa qaab Maalinle ah, Todobaadle, Bille ama Sanadle ah, arintan oo dhageystayaasha uga barteen Warbaahinta Goobjoog.

Business: Goobjoog FM waxay bilowday warbixino qoraal ah ee ganacsiga oo la daabaco bil walba dhamaadkeeda laga soo bilaabo bishii koowaad ee sanadka 2014.

Crime Watch: Waa Barnaamij Goobjoog News ugu talo gashay in ay kula socoto dambiyada iyo shilalka ka dhaca dalka guud ahaan, dilka, dhaca, Kufsiga, jir dilka iyo dhamaan dambiyada ka dhaca gobolada dalka, Waxaan soo gudbinay dambiyadaas bilihii December- 2015.

Sooyaalo: Goobjoog News waa warbaahintoo Soomaaliyeed ee ugu horeysay ee dhaqan galisa Sooyaallada ku saleysan dhacdooyinka, Shirarka, Isbadallada iyo dhamaan arimaha u baahan dabagal joogta ah. Waxadna ka heli kartaa pageka Goobjoog warbixino taariikheed koobaan oo xirmo xirmo ah.

Sooyaalada ay daabacday waxaa ka mid ah:- Sooyaalka Khilaafkii Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaare Cabdiwali, Sooyaalada Dagaaladii Guriceel iyo Saaxo, Sooyaalka Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya 2016, Sooyaalkii Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya, Sooyaalka Galmudug iyo Sooyaalka Qaraxyada Hotelada Muqdishu.

Profiles: waxaa ka heli kartaa pageka Goobjoog news taariikh nolaleedka dadka magaca ku leh bulshada, Goobjoog waxaa ay heysaa taarikhyo nololeed badan.

Waaxda Suuqgeynta Goobjoog News

Xafiiska suuqgeynta ee Goobjoog FM waxaa uu qabtaa qaabab kala duwan oo xayeysiineed waxaana ka mid ah:

(Mobile Advertisement):  taasoo macnaheedu yahay in ganacsatadii dooneysa aan ganacsigooda ugu xayeysiino farriimo aan ku direyno Mobilada weliba si fudud taaso qofku uu islamarkii dareemi karo in farriinta u soo dhacday ay tahay mid lagu xayeysiinayo shirkad ganacsi.

Web Advertisement oo ah in webka idaacadda kasoo laga daalacan karo dhammaan caalamka lagu xaeyeysiiyo badeegyada iyo badeecooyinka ganacsatada.

Radio advertisement: Goobjoog FM waxay ganacsatada ugu gaarsiisii macaamiishooda adeegyada iyo bedeecooyinka ay u hayaan idaacad ahaan iyada oo ay u sameynayaan xayeysiimahooda shaqaale ku xeeldheer samynta una leh aqoon qancinta macaamiilka.

Bile Board Advertisement oo ah inaan boorar xayeysiis ah kuugu dhajino goobaha ugu caansan magaalada Muqdisho oo islamarkiiba la arki karo adeega aad uheyso bulshada.

Goobjoog Digital:

Goobjoog FM waxaa mar walba saldhig u ah qancinta macaamiisheeda

Websites: goobjoognews, shaqodoon, sport,

News alert; News alert:  halka news alert ay u howl galisay bisha Tobnaad 2014

SMS Bridge: waxayna u sameysay wadooyin badan oo ay kaga heli karaan warbixinada iyo wararka waxaana ka mid ahaa hirgalinta lamberka gaaban Short code  05-7-2014.

 

 

  1. Mobile app
  2. Steam line
  3. Satellite
  4. Social Media

 

 

 

Facebook               Twitter               Sound cloud   Youtube   Flicker

Google+

 

 

Dhaqanka  iyo Suugaanta

Barnaamijka sugaanta iyo dhaqanka, waa barnaamij sare u qaada dahanka soomaaliyeed cayaaraha hiddaha, haasaawaha, guurka heeso howleedyada xoolo dhaqatadu u adeegsadaan duunyada ay dhaqdaan sida: Geela, Lo’da iyo Ariga, suugaamaha ku gaarka ah ee ay hodanka ku yihiin reerguuraageenu.

QORAAGA IYO BUUGGIISA.

Waa barnaamij toddobaadle ah,oo uu RGJ ugu talagaley dhageystayaashiisa inuu kaga haqabtiro barnaamijkan Qoraaga iyo buuggiisa, qormooyin iyo wareysiyo ku qotoma, qalinmaalka iyo hibadiisa qoraaleed ee waxtarka leh si ay wax uga bartaan bulshadeenna.

Barnaamijkan Qoraaga iyo buuggiisa, intii uu jirey waxaa ka qeyb galey halso-codkiisa qorayaal fara badan oo magacweyn ku dhex leh bulshada oo aan soo wada koobi Karin, haddaanse hal iyo laba ka xuso waxaa ka mid ah:

  • Sareeye guuto Jaamac Maxamed Qaalib,
  • Dr:- Max’ed Daahir Afrax,
  • Aqoonyahan C/laahi Max’ed Sheegoow
  • Sucdi Daahir Diiriye {Qajafweyn}
  • Dr:- Aadan Xaaji Ibraahim.

Ku hadal Af Soomaali Barax la waxay Goobjoog cilmi baaris ku sameysay dabar go’a ku socda afka hooyo waxayna o gaatay in dadweynaha aysan u diidin afka ka faanid hase ahaatee ay jiraa waxyaabo ku riixaya iney ku qortaan boorarka iyo feejignaan la’aan.

Sports

Goobjoog waxay kaalin wanaagsan ka qaadatay hormarinta sportiga dalka waxay u istaagatay sidii ay u dabooli laheyd kaalinteeda warbahineed waxay tabineysay dhacdooyinka sport ee dalka ha ahaadaan ciyaaraha cagta, gacanta oradada

Goobjoog news waxay soprt page u sameysay ciyaartoyada iyo dadka ciyaaraha jecel si ayuga haqabtirto baahidooda sport.

 

 

 

Station and coverage:

Goobjoog FM waxay mudo gaaban ku gaartay gobolo badan oo dalka oo laga dhageystaa, waxaana ka mid aha Gobolka banaadir, Shabeelada dhexe, shabeelada hoose, Hiiraan, Galgaduud, iyo mudug.  Waxayna xarumo kuleedahay Muqdisho, Baledweyne, Cadaado iyo Gaalkacyo.

Goobjoog social responsibility

Baafin: Idaacadda Goobjoog News waxaa ay si joogto ah oo lacag la’aan ah u sii deysaa Barnaamijka Baafinta, si bulshada loogu caawiyo in ay helaan dadkii ka lumay, celcelis maalin walba waxaan adeeg u qabanaa cid walba oo Soomaaliyeed mise qof ka luntay ama qof haysa.

Schoralship: Idaacadda Goobjoog News waxaa ay sidoo kale bixisay deeq waxbarsho, Caruur gaareysa 28 arday, oo Waxbarsho u helay Waxbarasho Dugsi hoose, dhexe iyo dugsi sare.

Tahniyadda iyo Salaamaha: Barnaamijka Tahniyadda iyo Salaamaha, waa barnaamij ay idaacadu fursad ugu siiso dadku iney ku wadaagaan farxadahooda dhallasho iyo aroosba iyada oo ugu qabata lacag la’aan.

Tartamada Goobjoog News

Kedis

2012 waxaa ka qeybqaatay 44 iskuul oo ah dugsiyada sare ee gobolka banaadir ayna dhigtaan arday kor u dhaafaysa 25 kun oo arday. Tartanka kedis oo bilowday 5-10-2012 ayna iska kaashanayeen FPENs iyo Goobjoog FM

2013 Tartan ka Kedis oo bilowday 06-12-2013 ayaa waxaa iska kaa shanay Juba express iyo Goobjoog FM waxaana ku tartamay iskuulo tiradoodu aheyd 56 iskuul oo ka koobnaa iskuulada dugsiyada sare ee Gobolka Banaadir waxana la abaal mariyay  shanta iskuul ee ugu sareysay waxaana ku baxday lacag dhan 13,000 oo dolar.

2014 Tartanka kedis oo laqabtay sanadkii sadexaad waxaa iska kaashanaya City University iyo Goobjoog FM waxa uuna bilowday  06-11-2014  ka qeyb galayaasha ayaa gaaraya 58 iskuul oo dugsi sare ah oo ka howl gala gobolka Banaadir, waxaana la abaal marin doonaa sadexda iskuul ee ugu sareysa. Oo ay dhigtaan ardo gaareysa 35 kun

Tartanka Qur’aanka

Goobjoog FM waxay qabatay tartan quraaneed loo qabtay arday xaafidiinta quraanka oo ka koobnaa labo koox: wiilal iyo koox Gabdho ah waxaana ka qeyb gashay arday gaareysay 220 adray waxaana ku baxday lacag dhan 23, 000 oo doolar waxaana la abaal mariyay 5 qof ee koox walba ugu sareysay halka 10 qof ee ku xigtana la gudoonsiiyay shahaadooyin iyo qalab.

Bisha Ramadan

Goobjoog waxay qabatay tartan aqooneed bisha ramadaan oo ay u qabatay iskuulada ku yaala muqdisho waxaana ka soo qeyb galay 22 iskuul waxayna ku bixisay abaal marin gaareysa 3,000 oo dolar.  Waxa uuna dhacay 16-07-2013

Tartan Faneedka

Goobjoog FM waxay qabatay tartan faneed dhex maray hal abuurayasha dada yar waxyna ku tartamayeen hal abuurka kaa oo ku saabsanaa waxbarashada waxanaana ka soo qeyb galay tartamayaal gaarayay 48 hal’abuure kuwaa oo ka kala socday degmooyinka gobolka Banaadir waxanaa la abaal mariyay 3 qof ee ugu currinta wanaagsanaa waxaana garsoorayaal  ka ahaa abaawaano ay hogaaminayeen abwaan Cabdi Dhuux iyo Abwaan Cabdirisaq Aaqiro.

 

Caawinta ardada jaamacadaha

Axmad sharif Ibrahim waxa uu ahaa arday diyaarinayay PHD jaamacada CITY University ee kutaala Newyork, waxa uuna cilmi baaris ka sameynayay sharciga iyo dowlad Somalia waxa uu tixraac ka dhigtay barnaamijka waayo arag oo ka hadla taariikhda iyo maamuladii soomaray Soomaaliya.

Peter James Chonka waa arday u sharaxnaa shahaadada PHD waxa uuna ka diyaarinayay Jaamacadda EDINBURGH ee dalka Britain waxa uuna tixraacyadiisa ka mid ah Goobjoog News.

Abaalmarinada ay heshay Goobjoog News

July 2012: Shahaado Sharaf, Gudiga Olypicada Degmada wadajir

August 2013: Shahaado Sharaf, Himilo Relief Development association

October 203: Shahaado Sharaf, Xiriirka soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga

October 2013: Shahaado Sharaf, Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Kolayga.

February 2014: Shahaado Sharaf, Naadiga Ha-abuurka iyo Qalinmaalka Soomaaliyeed

April 2014: Shahaado Sharaf, Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta

April 2014: Shahaado Sharaf, Jimciyadda Asal ee midowga ardayda.

June 2014: Shahaado Sharaf , International Olympic Committee,

June 2014: Shahaado Sharaf, Xiriirka soomaaliyeed ee kubadda Kolayga.

August 2014: Shahaado Sharaf, Gudiga Sportiga Degmada wadajir.

August 2014: Shahaado Sharaf,  Gobolka Banaadir.

December 2014: Shahaaado Sharaf, Midowga Naafada.

December 2014: Shahaado Sharaf Xiriirka Soomaaliyee ee Ciyaaraha fudud

April 2015: Xiriirka soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga

Bahwadaagta Goobjoog :

Goobjoog FM waxay heshiis la saxiixatay BBC Media action kaa oo soconaya lix bil September 2014.waxayana ka wada shaqeyaan hormarinta dhallinyarada waxyna wada qabtaan barnamij Hiigsiga nolasha oo looga hadlo arimaha dhallinyarada.

Goobjoog Challenges: Xarig

January 4, 2015: Warbaahinta Goobjoog News ayaa sheegtay in la la’yahay Labo ka tirsan Wariyaasheeda oo kala ah Madaxa Barnaamijyada Idaacadda Goobjoog Maxamed Salaad Cismaan iyo Wariye Ibraahim Xaaji Yuusuf ,Goobjoog News ayaa intaa ku dartay in Wariyaasha lagu waayey goobtii uu qaraxa ka dhacay  ee Afisiyoone, halkaasi oo ay hawl shaqo u aadeen, waxaa dib loo helay iyaga oo xur ah maalintii kale ee maalinkaa xigtay.

March 31, 2015: Wariye Cabdifitaax Xasan Axmed Kalgacal ayaa lagu xiray xarunta dambi baarista ee CID, waxaana loo diiday in ay la kulmaan ehladiisa iyo maamulka Goobjoog Fm, ciidanka ayaa Kagacal kala baxay hoygiisa uu ka degan yahay degmada Wadajir, hase ahaatee Todobaad ka dib ayuu xur noqday.

April 3, 2015: Waxaa hawada laga saaray xarunta Idaacadda Goobjoog ee magaalada Baladweyne oo ay damiyeen maamulka gobalka Hiiraan, iyadoo sidoo kale ay xireen Laba Wariye oo xaruntaasi ka howlgasha, dadaal dheer ka dib Idaacadda dib ayeey hawada usoo gashay, waana lasii daayay wariyayaashii xirnaa.

Sanadkaan maanta inoo bilaabanaya waxa ay Goobjoog News dar dar gelindoontaa howlaheeda shaqo, waxaana Idaacadda ay sare u qaadi doontaa adeegyada ay shacabka Soomaaliyeed u qabato, iyadoo horumarka halkaan uu kasii gudbi doono.

Goobjoog News

Mar Walba u Daacad Ah Dadweynaha