U bood dhigaalka

Goobjoog Oo Soo Aruurisay Dhacdooyinkii Ugu Waaweynaa Ciyaaraha Dalka Iyo Bishii Maarso 2019

Sheeko:Cayaaraha

01-Maarso 2019-Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa caasimada MuqdishoI Eng.Cabdi Raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Guddomiye ku xigeenka Maamulka iyo maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur ayaa kormeer ku tagay dhismaha ka Socda garoonka kubbadda cagta Qooob door ee degmada Kaaraan kaaso oo 26-Janaayo 2019 ay dhagax dhigeen maamulka Gobolka Banaadir.

02-Maarso 2019-Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir ayaa kulan looga hadlayay u diyaar garowka tartamada qorsheen ee 2019 ku qabtay degmada Kaaraan waxaana si weyn loo gorfeeyay wixii soo qabsoomay bilihii lasoo dhaafay 2019 iyo qaabka loo wajihidoono tartamada ay sanadkan damacsanyihiin in ay qabtaan.

03-Maarso 2019-Wasiirkii hore ciyaaraha iyo dhalinyarada Maamulka Koonfur Galbeed Cabdullahi Cumar Fanax ayaa xilka wasaaradaas ku wareejiyay Cali Dhuux Maxamed oo isaga badalay wuxuuna sheegay in uu si dhaw uu ula shaqeyndoono.

03-Marso 2019-Tartanka Horyaalka Kooxaha Jubbaland ayaa ka furmay Garoonka Waamo ee Magaaladda Kismaayo,waxaana ka qeyb galay madaxa ka socotay wasaarada ciyaaraha Jubaland,Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya iyo Xiriirka Kubbadda Cagta Jubaland.

04-Maarso 2019-Xulka Qaranka Teeniska Dheeroo ay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ugu qeyb galay tartan caalami ah waxaan  wafdigan hogaaminayay Sacad Omar Geedi iyo Suhaamo Maxamed Aadan xiriirka teeniska dheer ayaa mudo dheer ka dib kusoo laabtay saaxada ciyaaraha,iyagoo bilooyinkii lasoo dhaafay tartamo kala gedisan ugu qeyb galay qaarada Afrika.

 

05-Maarso 2019-Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed Cali Dhuux Maxamed oo ay wehliyaan gudoomiyaha Degmada Baydhabo iyo Xiriirka Kubadda Cagta Koonfur Galbeed ayaa dhagax dhigey Wajiga 2aad ee dhismaha garoonka Kubadda Cagta Dr Ayuub Stadium ee Magaalada Baydhabo wasiirka Cali Duux ayaa sheegey in sanadkan gudihiisa ay rajeynayaan in la dhameystirdoono qeybaha ka haray dhismaha.

 

06-Maarso 2019-Xiriirka Kubadda Cagta Degmada Baydhabo ayaa kulan ciyaareed sagootin ah iyo soo dhaweyn ah u sameeyey Wasiirkii ciyaaraha iyo dhalinyarad ee baneeyay xafiiska Cabdullahi Cumar Fanax iyagoo si wanaagsan usoo dhaweeyay wasiirkii isaga badalay ee Cali Dhuux Maxamed waxayna sheegeyn in ay ka sugayaan in uu la yimaado wax qabad wanaagsan oo horomar u ah dhalinyarada deegaanka oo aad u jecel dhuuncyada kala gedisan ee isboortiga.

06-Maarso-2019-Maagaalada Baladweyn ee Gobolka Hiraan waxaa ka dhacday Doorasho loogu tartamayay guddomiyaha Olimikada gobolka waxaan ku tartamayay ilaa saddex musharax oo kala ahaa Yuusuf Muxumed Maxamed, Faarax Cabdi Garuun (Faarax Diir) iyo Cali Maxamed Cabdi waxaana codad gaaraya 28-cod guddomiyaha Olimikada ku noqday Cali Maxamed Cabdi.

Doorashada ka dhacday magaalada Baladweyne waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada maamulka Hirshabeelle Cabdiqani Cabdullahi Hilowle iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan,guddoomiyaha Olombikada ee la doortay ayaa ah nin dhalinyaro oo muddo dheer ka mid ahaa bahda ciyaaraha deegaanka, dhinaca kalana u soo cayaaray kooxo kala duwan oo ka dhisan gobolka Hiiraan.

08-Maarso 2019-Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee Gos ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Shiwaynaha sanadlaha kaasoo ay kasoo qayb galeen xubnaha Guddiga fullinta, masuuliyiinta Xiriirada iyo Ururada Shirwaynaha ayaa dood iyo falan qayn dheer kadib ansaxiyay qorsha howleedka iyo miisaaniyada 2019 kaasoo horay usoo maray shirkii guddiga Fulinta.

Guddooomiyaha GOS Cabdullaahi Axmed Tarabi oo shirka soo xeray ayaa tilmaamay in sanadkii tagay ay GOS iyo Xiriiradiisa ay guulo lagu faani karo ku tallaabsadeen, sanadkana ay mudnaan gaar ah u leeyahay maadaama ay jiraan tartamo ay rajo wanaagsan ka leeyihiin in ay lagu helo ciyaartoy saacad wanaasgan sameeyay ciyaaraha All African games si Soomaaliyay u hesho cayaartoy badan oo kaga qayb gala cayaaraha Olombikada Adduunka.

10-Maarso 2019-Xasan Yabarow Wiish oo ah guddomiyaha guddiga garsoorayaasha Soomaaliya xilkan loo magacaabay horaantii Febraayo 2019 ayaa kulankii ugu horeeyay la qaatay dhamaan waxaada garsoorka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta waxaana kulankaas lagu gorfeeyay horomarinta  iyo kor u qaadida garsoorayaasha heerarka kala duwan ee dalka.

11-Maarso 2019-Mo Farah iyo Bashir Cabdi oo ah orodyahanno asal ahaan Soomaali ah,balse u kala orda wadamada Britain iyo Belgium ayaa kaalmaha 1aad iyo 2aad ka galay tartan orod oo ka dhacay magaalada London. Orodkan waxaana kaalinta saddexaad galay Daniel oo Kenyaan ah.

13-Maarso-2019-Maxamed Cali Jabane oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed iyo Jamaal Xaashi Tuure oo ah xubin gudiga hormarinta xiriirka ayaa booqasho iyo indha indheyn ku tagay magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo si baahida ka jirta deegaanadaas ay wax uga qabtaan madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta.

14-Maarso 2019-Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa tababaraha xulka qaranka Soomaaliya ee sanadaha soo aadan u magacaabay Bashir Hayford oo u dhashay dalka Ghana soona hogaamiyay xulka Ghana wuxuuna tababarahan kasoo shaqeeyay dalal badan oo qaarada Afrika ah.

15-Maarso 2019-Guddoomiyaha Gobolka & Duqa Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa daah furayay tartanka kubadda cagta dugsiyada sare ee degmada Warta Nabadda gudoomiye Yariisow waxa uu sheegay in qabashada tartankan uu muhiimad gaar ah u leeyahay dhallinyarada heerka waxbarasho ku jirta ee degan degmada si xarfadooda ay ugu soo bandhigaan bulshada deegaanka ee daawanaysa.

16-Maarso 2019-Maamulka isboortiga Gobolka ayaa Degmada shangaani kusoo xeray tartanka kubdadda Gacanta oo mudo u socday afar waaxood waxaana xeritaankan Goobjoog ka ahaa duqa caasimada Eng.Cabdiraxmaan Cusman,isagoo maamulka degmada kula dardaarmay in ay badiyaan tartamada noocaan oo kale.

17-Maarso 2019-Ciyaartoyda Xulka qaranka Cayaaraha Fudud ayaa guul taariikhi ah kasoo hoyay tartanka cayaaraha Fudud ee lagu qabtay dalka Djibouti, waxayna soo hoyeen laba biladood oo dahab xidigaha guushaas soo hooyeeyay waxa ay kala ahaayeen.

Cabdi Salaan Axmed Maxamed oo ku tartamay orodka 800mtr oo kaalinta koowaad ka galay kadib marki uu ku oraday 1:55 ilbiriqsi waxaaa lagu abaalmariyay Biladda dahabka.

Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo orodka 1500 mtr ee dhanka da’yarta u tartamayay isna kaalinta koowaad ku dhamaystay kadib markii ku orday 3:46 waxuuna hantay Biladda dahab ah.

Cabdirashiid Yuusuf oo dhanka da’yrta orodka 800 ku tartamayay ayaa isna kasoo galay kaalinta 6-aad,Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed Orodka da’yarta 3,000mtr ka qayb galay ayaa bandhigiisa aad u wanaagsanaa waxuuna soo galay kaalinta afaraard.

Cali Iidow Xasan oo qaybta ciyaartoyda waa weyn ku jiray ayaa ku dhamaystay kaalinta 7-aad ee tartanka 1500mtr waxuuna ku orday 3:49 taasoo ahayd saacad aad u wanaagsan.

18-Maarso 2019-Guddomiye ku xigeynka 1-aad ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdi Maxamed Cabdi (Cali Shiine) ayaa safar shaqo ku tagay Magaalada Baydhabo ee Maamul Koonfur Galbeed qorshaha safarkan waxa uu qeyb ka ahaa dadaalada ay madaxda xiriirka kubbadda cagta ku doonayaan in ay ku hormariyaan xiriirada Maamul Goboleedyada si wadajirna loogu wada shaqeeyo horomarinta kubbadda cagta Soomaaliya sanadaha soo socda.

19-Maarso 2019-Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada dowladda Khadijo Maxamed Diiriye oo kulan dhiirigelin iyo mahad celin caasimada Muqdisho ugu qabtay wafdigii iyo ciyaaryahanadii oradada ee kaalamaha ka galay tartankii oradka ahaa ee ka dhacay dalka Jubuti.

20-Maarso 2019-Xildhibaanada aqalka sare ee lagu soo doortay maamulka Jubaland ee kala ah
Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Iftiin Xasan Iiman oo garoonka waamo ku daaway kulamo ka tirsanaa horyaalka heerka kooxaha Jubaland ayaa bogaadiyay hanaanka kooxaha iyo xiriirka kubbadda cagta Jubaland,iyagoo sheegay in ay diyaar u yihiin horomarinta dhalinyarada iyo naadiyada kala duwan ee ka dhisan maamulka Jubaland.

21-03-2019-Afar ka mid ah garsoorayaasha heerka caalami ee kubbadda cagta Soomaaliya ayaa dhex dhexaadiyay kulan ciyaareed ka tirsanaa is reeb reebka ciyaaraha African Cup of Nation 2019,garsoorayaashaas waxa ay kala ahaayeen Cumar Cabdiqaadir Cartan,Axmed Cabdullahi Faraax,Mahad Maxamed Maxamuud iyo Maxamed Nuur Muxidiin wuxuuna kulanka ay garsooreen uu u dhaxeeyay dalalka South Sudan iyo Tunisia.

22-Maarso 2019-Magaalada Doxa ee dalka Qatar waxaa ku kulmay ciyaartooydii hore Soomaaliya Xasan Cafif Yaxya (Faraska Cad) Bashir Fox Mohamed iyo safiirkii hore Soomaaliya ee u fadhiyay dalka Kenya  iminkana ah gudoomiyaha xisbiga isbaheysiga Somaliyeed Amb Maxamed Cali Nuur (Ameeriko),Am ayaa Xasan iyo qoysiiskiisa ugu mahad celiyay,maadaam Akram Cafiif uu bishii Febraayo xulka Qadar kula guulyastay koobka Qaramada Qaraada Aasiya 2019.

 24-Maarso 2019- Oradyahan Soomaliyeed oo lagu magacababo Maxamuud Cismaan ayaa ku guuleystay gaari nuuca raaxada ah kadib markii uu kaalinta kowaad ka galay tartan orad ah oo ka dhacay Sacuudi Carabiya Maxamuud Cismaan waxa uu ku barbaray isla boqortooyda Sacuudiga.

 

25-Maarso 2019-Daadir Amin Cali oo horay usoo noqday kabtankii hore ee Muqdisho City Club ayaa kooxdiisii uu kusoo caan baxay ee M.M.C ka hortagay,isagoo uu xeran maaliyada naadiga Elman kulan ay labada dhinac wada ciyaaraan wareega 1aad ee horyaalka Somalia kol ciyaareedka 2018-2019.

27-Maarso 2019-Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng CabdiRaxmaan Cumar Cusmaan  ayaa degmada Daynile kusoo xeray tartan kubbbadda cagta ah ee u dhaxeeyay laamaha Degmada,Eng Yariisow waxa uu maamulka degmada ugu mahad celiyay dhiiri gelinta wanaagsan ay sameeyeen dhalinyarada degmo maadaam bilihii lasoo dhaafay ay u qabteen tartamo kala gedisan.

28-Maarso 2019-Macalinka labaad ee kooxda Muqdisho City Club Mustafa Xasan Cumar (France) ayaa dib ugu soo laabtay caasimada Mqudisho ka dib markii uu arimo shaqsiyadeed shaqada kooxda ugu maqnaa taageerayaasha iyo ciyaartooyda ayaa si weyn ugu farxay soo laabashada tababarahooda labaad maadaam uu ka qeyb qaatay horomarka Muqdisho City Club sanadihii lasoo dhaafay.

29-03-2019-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Qardho ka dhagax dhigay garoon kubbadda Cagta ah oo loo dhisidoono qaaba casri ah madaxweynaha Deni oo ka hadlay dhagax dhigga ayaa sheegay in goobta loo asteeyey dhismaha garoonka ay tahay meel ku haboon oo siman,isagoo maamuka degmada Qardho ku booriyey fursadsiinta dhalinyarada.

30-Maarso 2019-Guddomiyaha Xiriirka kubbadda cagta Jubaland Axmed Faarax Taqal (Tima jilic) oo la hadlay Goobjoog waxa uu sheegay in meeshii ugu wanaagsaneyd ay marayso wadashaqenta kala dhaxayso xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayna ka sugayaan in si wanaagsan ay u fuliyaan balanqaadyadii ee labada dhinac is dhaafsadeen.

31-Maarso 2019-Oradyahan Cabdi Dahir Rooble ayaa ka yaabsaday dunida kadib markii uu ka qeeb galay tartanka World crosses Country Championship 2019, isago matalayo Somaliya tartankan oo lagu qabtay magaalada Caasimada 2aad Denmark ayaa waxaa ka qeeb galay inkabadan 300 ciyaaryahan oo ka kala socday wadamo badan waxaana Somaliya ay ka gashay kaalinta 14-aad.

31-Maarso 2019-Wasriirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Koonfur Galbeed Cali Dhuux Maxamed ayaa Lataliye Sare oo wasaarada u magacaabay Siid Cali Abuukar Xuseen Baafo wuxuuna wasiirka sheegay in la tayeendoono hanaanka shaqo ee wasaarada ciyaaraha K.Galbeed.

Halkan Ka Daawo Dhacdooyinka Maarso Oo Lagu Soo  Koobay Muuqaal

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2309616999260652/

Qoraalkan, waxa uu u gaar u yahay Goobjoog News, Lama Qaadan karo, xigasho la’aan!

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Email[email protected]