U bood dhigaalka

Goobo Laga Raaco Basaska Oo Laga Hirgeliyey Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa magaalada Muqdisho ka hirgeliyey goobo laga raaco basaska, dadkuna ay kusii sugi karaan.

Wadada Makka Al-mukarrama, gaar ahaan dhanka degmada Hodon ayaa waxaa laga hirgeliyey goobo dhowr ah oo dadku basas ka raaci doonaan.

Degmada Shibis ayaa horey looga hirgeliyey goobahan basaska laga raaco, kadib markii maamulka degmadaasi uu la yimid aragtidaan, balse arrintaasi hadda waa lasii ballaariyey.

Gobolka Banaadir ayaa doonaya inuu Muqdisho ka hirgeliyo 160 meel oo dadku basaska ay ka raaci karaan.

Maxamed Axmed Cantoobo, guuddoomiyaha degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay goobahan sidoo kale laga hirgelinayo degmada oo idil iyo guud ahaan gobolka.

Goobahan ayaa bilic ahaan qurxinaya magaalada Muqdisho, dadkuna waa ay ku nasanayaan, waxaana ay ka geli karaan cadceedda iyo roobka.

Goobjoog News