U bood dhigaalka

Goodax Barre “Madaxweynaha Ayaa Horey U Qalday Hannaanka Shirka Jowhar”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo horey mar u soo noqday wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa si ka hadlay arrimo ku saabsan shirka maamul u sameynta ee labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wareysi uu siiyay Goobjoog News ayuu marka hore ku sheegay in ergada fadhisa magaalada Jowhar ay ku qaldan tahay inay bedasho caasimadda maamulka islamarkaana horey uu u marin habaabiyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax ayaa sheegay in dad gaar ah ay u tashadeen labada gobol islamarkaana reer Hiiraan ay qorsheynayaan inay dhisaan maamul iyaga u gaar ah oo ka madaxbannaan shirka Jowhar.

“Ergada Jowhar ee laga soo aruuriyay dariiqyada Xamar way ku qaldan yihiin caasimad baa bedalnay, Madaxweynahana horey buu ugu xadgudbay  magacaabista caasimadda, dadka ergada aruurinaysa waa booli waa xaaraan quutayaal iyagana, midda kale culumada xoolaha dadweynaha ku jiifa hotellada Xamar Ilaahey haka cabsadaan, maxaa yeelay maalin dhoweyd waxaa la yiri culumada qaranka ayaa shirka Jowhar tagay waana been” ayuu yiri Goodax Barre.

Xildhibaan Goodax Barre ayaa beeniyay in guddiyo ka tirsan baarlamaanka federaalka ay tageen shirka Jowhar islamarkaana aysan jirin shaqo baarlamaan qaran oo socota.

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay qabanqaabo uu sheegay inay ka socoto magaalada Baladweyne taasoo loogu diyaargaroobayo maamulka gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay in dhaqanka gobolkaasi iyo siyaasiyiintuba ay wadaan dadaal fiican oo ay ku doonayaan inay ku gaaraan dhismaha maamul ay ku sameystaan Baladweyne.

Goodax Barre ayaa sheegay in qorshaha uu yahay sidii xildhibaannada reer Hiiraan la doonayay in lagu qorto magaalada Muqdisho.

“In Hiiraan lagu doorto xildhibaanno islamarkaana Muqdisho xildhibaanno kale lagu daarto ayaa la qorsheynayaa waxaa meeshaas ka soo socda qas aan caadi ahayn, waxaan leenahay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa masuuliyaddaasi qaadanaya” ayuu yiri xildhibaanka.

Ugu dambeyn, Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in shanta maalin ee soo socota gobolka Hiiraan uu yeelanayo maamul sida uu filayo.

Goobjoog News