U bood dhigaalka

Goodax Barre  oo Bahda Waxbarashada iyo James Swan Kala Hadlay Saameynta COVID-19 uu Ku Yeeshay Waxbarashada Dalka

Sheeko:Dalka

Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare Mudane ayaa habka adeegga casriga ah ee Internet-ka kulan kula qaatay masuuliyiinta Dalladaha Waxbarashada Dalka iyo danjire James Swan.

Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Waxa uu warbixin ka siiyay dadaallada ay wasaaradda waxbarasha ugu jirto ka hortagga saameynta cudurka Covid_19 ee xagga waxbarashada waxa ayna ka wada hadleen Imtixaanka Qaranka ee Dugsiga Sare oo ay si lamid ah uga tala gelin doonaan dhammaan bahda waxbarashada qeybaheeda kala duwan.

“Waxaan maanta habka adeegga casriga ah ee Internet (Zoom) kulan kula qaatay masuuliyiinta Dalladaha Waxbarashada Dalka. Waxaan warbixin ka siiyay dadaallada wasaaradda ugu jirto ka hortagga saameynta cudurka Covid_19 ee xagga waxbarashada, waxaan ka wada tashanay Imtixaanka Qaranka ee Dugsiga Sare oo aan si lamid ah uga tala gelin doonno dhammaan bahda waxbarashada qeybaheeda kala duwan”sidaas ayuu yiri Wasiir Goodax Barre

Sidoo kale wasiir Goodax ayaa qadka interned-ka kula hadlay wakiilka qaramada midoobay ee Soomaaliya danjire James Swan waxayna kawada hadleen qorshada wasaaraddiisu ugu tala gashay  ka jawaabista saameynta adage e Coronavirus.

“Waxaan maanta kulan la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobey u Qaabilsan Soomaaliya, Amb. James Swan. Waxaan kala hadlay qorshaha wasaaradda ugu tala-gashay in ay kaga jawaabto saameynta cudurka Covid_19 ee xagga waxbarashada, waxaan sidoo kale kawada hadalnay shaqooyinka naga dhexeeya Hay’adda Qaramada Midoobey u Qaabilsan Arrimaha Waxbarashada, Dhaqanka iyo Seyniska” ayuu sii raaciyay Goodax Barre.

Wasaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dalka ayaa hore u fartay in la xero dhamaan goobaha waxbarshada dalka si looga digtoonaado Qatarta caabuqa Covid-19 ee kusii faafaya waxaana waxan sidoo kale ay dib u dhigtay Imtixaanaadkii dugsiyasa sare ee dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa saameyn adag ku yeeshay cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Goobjoog News