U bood dhigaalka

Goodax Barre oo Markale Ka Hadlay Shahaadada Ardayda Aan Gelin Imtixaanka Dowladda Ee Puntllnad

Sheeko:Waxbarashada

Siihayaha wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa markale ka hadlay Shahaadada ardayda dugsiyada sare ee maamulka goboleedka Puntland, waxaana uu xusay  in arrintaas la siyaasadeeyey.

Waxaa uu markale wasiir Goodax Barre sheegay in marnaba aysan dhici karin in Shahaado la siiyo Arday aan gelin imtixanka dowladda, isla markaana Ardayda Puntland aan la siin doonin Shahaadada Dugsiga Sare.

” Waa in lala taliyo oo aysan umadda aysan dhibaatadaas aysan ku sii dheeranin ardaydaas, dhibaatadaas siyaasadeed oo la dul saaray, muddo ayey taagneyd waana soo noqnoqotay. Midda kaliya aan annagu wasaarad ahaan sameyn karno waa inaan dhaqankii hore aan ku socono oo ah arday aanan imtixaan ka qaadin shahaado iska siinin taasna dhowr mar ayaan fasirnay in ay xaq darro ku tahay” ayuu yiri Goodax Barre.

Ugu dambeyn wasiir Goodax Barre ayaa maamulka Puntland ugu baaqay in haddii ay hayaan wax ka wanaagsan casharada lagu qaado imtixaanka ay kusoo bandhigaan madal dowladda iyo maamu goboleedyada u dhan yihiin, waxaana uu usoo jeediyey  in ay qaataan manhaka cusub ee dowladda dejisay sedexda heer ee hoose dhexe iyo sare.

Goobjoog News