U bood dhigaalka

Goodax Barre Oo Noqday Xildhibaan

Sheeko:Baarlamaanka

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre ayaa noqday mudane ka tirsan baarlamaanka federaalka kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle.

Kursigani waxaa Goodax Barre kula tartamay seddex musharrax waxaana taasi ay keentay in wareeggii koowaad la isku mari waayo.

Wareegga labaad waxaa u wada gudbay Goodax Barre iyo Bile Xasan, waxaana markii ay ergadu codeysay kadib guddigu ay shaaciyeen natiijada doorashada.

Goodax Barre ayaa 32 cod kaga guuleystay Bile Xasan oo isna helay 18 cod, waxaana sidaasi guddiga ay ku sheegeen in kursiga uu ku guuleystay xildhibaan Goodax Barre.

Cabdullaahi Goodax Barre ayaa horey uga tirsanaa baarlamaanka federaalka waxaana uu soo noqday wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka.

Goodax waxaa muddooyinkii dambe dhowr wareysiyo oo uu siiyay Goobjoog News iyo warbaahinta kaleba uu ku dhaliilayay siyaasadda Madaxweyne Xasan Maxamuud.

Goobjoog News