U bood dhigaalka

Goodax Barre: Waxaan aad uga Walaacsanahay Xiisadda Dhaqaale Dirirka ee Puntland iyo Hiiraan

Sheeko:Dalka

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre oo ka hadlay hadallo ka soo kala baxay madaxweynaha maamulka Pntland iyo guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa waxa uu sheegay in uu aad uga walaacsanyahay xiisadda dhinaca dhaqaale ee ay haatan wajahayaan labadaasi dhinac.

Wasiir Goodax ayaa nasiib darro ku tilmaamay in masuuliyiinta Puntland ay cunaqabateyn dhanka raashinka daruuriga ah ay saarraan deegaanada isticmaala dekadda Boosaaso.

“Waxaan aad uga walaacsanahay xiisadda dhaqaale dirirka ee Puntland iyo Hiiraan, waa nasiib darro in masuuliyiinta Puntland ay cunaqabateen dhanka raashinka duruuriga ah ay saareen deegaanada isticmaalo Dekedda Boosaaso” ayuu yiri Wasiir Goodax

Cabdulaahi Goodax Barre oo sii hadlayay ayaa tilmaamay tallaabada ay qaaday Puntland ay ka dhalan karto cunaqabateyn dhaqaale oo soo food saarta labadaasi dhinac taasi oo uu sheegay in marka dambana ay cuuryaamin doonto nolosha muwaadiniinta, isaga oo hoosta ka xariiqay in cuuryaaminta ugu badan ay wajihi doonaan dadka reer Puntland.

“Talaabadan Puntland qaaday waxaa ka dhalan kara cunaqabateen dhaqaale ee goboladu isku soo rogaan, taas oo ugu danbeyntii cuuryaamin doonta nolosha muwaadiniinta, haba ugu darnaato deegaanada Puntland iyo Dowlad Goboleedka Puntland” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa ugu baaqay madaxda Puntland inay ka fiirsadaan tallaabadaasi inta ganacsatada reer Hiiraan aysan ilo kale sahansan isaga oo yiri “Waxaa ila haboon in Dowladda Puntland ay dib uga fiirsato, inta ganacsatada reer Hiiraan aysan sahansan ila kale iyo inta maamulka Hiiraan aysan dul dhigin cunaqabateen dhaqaale”

Shalay ayey ahayd markii guddoomiyaha cusub ee gobalka Hiiraan uu sheegay in haddii Puntland aysan ka laaban hadalkii ka soo yeeray ee ahaa in raashinka yaalla deegaanada Puntland aan meel kale loo iib geyn Karin ay iyaguna tallaabo kale qaadi doonaan.

Goobjoog News